Wararka24: Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo waxbarashada gobolka Waqooyi Bari kenya oo loo yaqano NFD, isaga oo sheegay in dowladda ay ka shaqeyn doonto sidii dugsiyada iyo madarasooyinka Qur’aanka loogu dari lahaa nidaamka waxbarashada ee dalka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada madaxbannaanida Kenya ee Madaraka oo lagu qabtay magaalada Wajeer. Waxa uu sheegay in wasaaradda iyo hay’adaha ay khuseyso lagu amray inay bilaabaan wada-tashi iyo daraasad lagu eegayo habka ugu habboon ee madarasooyinka Qur’aanka loogu dhex dari karo nidaamka waxbarashada ee rasmiga ah.
Ruto ayaa tilmaamay in tallaabadan ay fursad siin doonto carruurta wax ku barata madarasooyinka inay helaan waddo waxbarasho oo si rasmi ah loo aqoonsan yahay, taas oo u sahli karta inay sii wataan waxbarashadooda heerarka kala duwan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in dowladda ay maalgelin doonto dhismaha jaamacad cusub oo laga hirgeliyo magalada Wajeer. Waxa uu bulshada deegaanka ka codsaday inay dowladda ka taageeraan helitaanka dhul ku filan oo lagu dhiso jaamacaddaasi, si mashruuca loo dardargeliyo.
Dhanka kale, Ruto wuxuu ku dhawaaqay qorshe ballaaran oo lagu dhisayo waddooyin waaweyn oo isku xiri doona magaalooyin ku yaalla Waqooyi Bari Kenya ee NFD, kuwaas oo ay ku jiraan Wajeer, Garissa iyo Isiolo. Sida uu sheegay, mashruucan ayaa noqon doona mid kamid ah maalgashiyada ugu waaweyn ee gobolka laga sameeyo tan iyo markii Kenya ay xorriyadda qaadatay.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka ayaa soo dhaweeyay qorshayaashan, iyagoo sheegay inay ka tarjumayaan dadaal lagu horumarinayo adeegyada waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Waqooyi Bari.
Si kastaba, hadalka Madaxweynaha kuma jirin ballan-qaad rasmi ah oo sheegaya in macallimiinta Qur’aanka la siin doono mushaar dowladeed, balse wuxuu si cad u sheegay in la doonayo in madarasooyinka Qur’aanka lagu daro nidaamka waxbarashada ee la aqoonsan yahay.






















