Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Mudaaharaadyo ka socdo Kenya oo looga soo horjeedo qorshaha Mareykanka ee…..

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay magaalada Nanyuki ee bartamaha Kenya, iyagoo ka mudaaharaadaya qorshe la sheegay in Mareykanku ku doonayo inuu ka hirgeliyo xarun karantiil oo loogu talagalay dadka looga shakiyo inay la qabaan fayraska Ebola.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 2, 2026, 11:49 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Mudaaharaadyo ka socdo Kenya oo looga soo horjeedo qorshaha Mareykanka  ee…..
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay magaalada Nanyuki ee bartamaha Kenya, iyagoo ka mudaaharaadaya qorshe la sheegay in Mareykanku ku doonayo inuu ka hirgeliyo xarun karantiil oo loogu talagalay dadka looga shakiyo inay la qabaan fayraska Ebola.

Dibadbaxyada ayaa yimid maalmo kadib markii Maxkamadda Sare ee Kenya ay si ku meel gaar ah u hakisay hirgelinta mashruuca, kadib dacwad ay gudbiyeen dad iyo ururro ka walaacsan saameynta caafimaad ee uu yeelan karo. Maxkamaddu waxay amartay in qorshaha la joojiyo inta laga dhageysanayo cabashooyinka la xiriira badbaadada bulshada iyo sharcinimada mashruuca.

Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah, xarunta la qorsheeyay ayaa laga dhisi lahaa saldhig militari oo ku yaalla gobolka Laikipia, waxaana loogu talagalay muwaadiniin Mareykan ah oo logo shakiyay fayraska Ebola balse aan weli muujin astaamaha cudurka. Xaruntan ayaa la sheegay inay qaadi karto ilaa 50 sariirood.

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay jiritaanka qorshaha. Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Ducaale, ayaa sheegay in mashruucu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka iyo ka hortagga cudurrada faafa.

Si kastaba, dadka deegaanka ayaa muujiyay walaac xooggan. Qaar kamid ah mudaharaadayaasha ayaa sheegay in magaalada Nanyuki ay tahay bulsho yar oo ay si dhow isugu dhex nool yihiin ciidamada iyo shacabka, taas oo ay rumeysan yihiin inay kordhin karto khatarta faafitaanka cudur haddii xaalad degdeg ah timaado.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada ammaanka ay xoojiyeen ilaalinta saldhigga militariga iyo waddooyinka muhiimka ah ee ku dhow goobta la qorsheeyay. Ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in dibadbaxyada iyo xiisadda ka dhalatay arrintan ay saameyn ku yeesheen ganacsigooda iyo dhaq-dhaqaaqa magaalada.

Iyadoo maxkamaddu ay weli baarayso dacwadda, arrintan ayaa noqotay mowduuc si weyn looga hadal hayo gudaha Kenya, iyadoo dad badan ay sugayaan go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan mustaqbalka xarunta la qorsheeyay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

4 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

5 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

5 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

5 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.