• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir lagu Addis Ababa oo looga hadlayo…..

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir lagu Addis Ababa oo looga hadlayo…..
Share

Wararka24: Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb-galay kalfadhiga SDG6 ee madasha ARFSD12, oo ah shir heer gobol ah oo looga hadlayo horumarinta yoolalka waara ee Afrika.

Shirkan ARFSD12 ayaa sanadkan diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta yoolalka horumarineed ee Qaramada Midoobay iyo Ajendaha Midowga Afrika ee 2063, iyadoo la isku waafajinayo qorshayaasha horumarineed ee qaaradda Afrika. Madashan waxaa ka qeyb-galaya wasiirro, madax dowladeed iyo hay’ado caalami ah oo ka kala socda dalalka Afrika.

Wasiir Bashiir oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada ku yeelanayo helitaanka biyo nadiif ah, isaga oo xusay in abaarta, fatahaadaha iyo yaraanta roobabka ay khatar ku yihiin ilaha biyaha ee qaaradda.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in kororka magaalooyinka iyo baahida bulshada ay sare u qaadeen cadaadiska saaran ilaha biyaha, taas oo sii adkeynaysa helitaanka adeegyo biyo nadiif ah iyo fayadhowr.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in sugnaanta biyuhu ay laf-dhabar u tahay caafimaadka bulshada, waxbarashada iyo koboca dhaqaalaha, isaga oo ku baaqay in la kordhiyo maalgelinta kaabayaasha biyaha iyo mashaariicda la qabsiga isbeddelka cimilada.

Madasha ARFSD12 ayaa la filayaa inay soo saarto talooyin iyo qorsheyaal lagu xoojinayo iskaashiga Afrika, si loo xaqiijiyo yoolka SDG6 ee helitaanka biyo nadiif ah.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.