• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Jubaland Oo DF Ku Eedeysay Faragelin lagu sameeyay Duulimaad Rayid Ah

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Jubaland Oo DF Ku Eedeysay Faragelin lagu sameeyay Duulimaad Rayid Ah
Share

Wararka24: Maamulka Jubaland ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabo ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku hor istaagtay diyaarad rayid ah oo ay leedahay shirkadda Maandeeq Air, taas oo rakaab ka qaaday magaalada Kismayo kuna sii jeeday Dhobley.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda, oo lambarkeedu ahaa 5Y IFY, lagu amray inay u leexato magaalada Muqdisho ama ay ka degto garoonka diyaaradaha ee Wajeer.

Jubaland ayaa ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci darro ah oo ka hor imaanaysa xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee hagaya duulimaadyada rayidka ah, kuwaas oo mamnuucaya in adeegyada rayidka loo adeegsado dano siyaasadeed.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadani ay khatar ku tahay badqabka rakaabka, xorriyadda isu socodka shacabka Soomaaliyeed iyo kalsoonida lagu qabo nidaamka duulimaadyada rayidka ah ee dalka.

Qoraalka kasoo baxay Jubaland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka inay hawada Soomaaliya u adeegsanayso aalad siyaasadeed halkii ay ka ahaan lahayd adeeg qaran oo si siman loogu adeego dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Jubaland ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan duulista rayidka ah, gaar ahaan International Civil Aviation Organization iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ee qaabilsan duulista rayidka inay si dhow ula socdaan dhacdadan iyo waxa ay ku tilmaantay xadgudubyada soo noqnoqday ee ka dhanka ah duulimaadyada rayidka ah.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay eedeymaha ay Jubaland ka gudbisay dhacdadan.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.