Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Jubaland Oo DF Ku Eedeysay Faragelin lagu sameeyay Duulimaad Rayid Ah

Maamulka Jubaland ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabo ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku hor istaagtay diyaarad rayid ah oo ay leedahay shirkadda Maandeeq Air, taas oo rakaab ka qaaday magaalada Kismayo kuna sii jeeday Dhobley.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 26, 2026, 2:43 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Jubaland Oo DF Ku Eedeysay Faragelin lagu sameeyay Duulimaad Rayid Ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maamulka Jubaland ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabo ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku hor istaagtay diyaarad rayid ah oo ay leedahay shirkadda Maandeeq Air, taas oo rakaab ka qaaday magaalada Kismayo kuna sii jeeday Dhobley.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda, oo lambarkeedu ahaa 5Y IFY, lagu amray inay u leexato magaalada Muqdisho ama ay ka degto garoonka diyaaradaha ee Wajeer.

Jubaland ayaa ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci darro ah oo ka hor imaanaysa xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee hagaya duulimaadyada rayidka ah, kuwaas oo mamnuucaya in adeegyada rayidka loo adeegsado dano siyaasadeed.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadani ay khatar ku tahay badqabka rakaabka, xorriyadda isu socodka shacabka Soomaaliyeed iyo kalsoonida lagu qabo nidaamka duulimaadyada rayidka ah ee dalka.

Qoraalka kasoo baxay Jubaland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka inay hawada Soomaaliya u adeegsanayso aalad siyaasadeed halkii ay ka ahaan lahayd adeeg qaran oo si siman loogu adeego dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Jubaland ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan duulista rayidka ah, gaar ahaan International Civil Aviation Organization iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ee qaabilsan duulista rayidka inay si dhow ula socdaan dhacdadan iyo waxa ay ku tilmaantay xadgudubyada soo noqnoqday ee ka dhanka ah duulimaadyada rayidka ah.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay eedeymaha ay Jubaland ka gudbisay dhacdadan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

23 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.