• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda oo sharaxday sababta Waqooyi Bari uga maqantahay mashruuca ay maalgelinayso World Bank

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda oo sharaxday sababta Waqooyi Bari uga maqantahay mashruuca ay maalgelinayso World Bank
Share

Wararka24: Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay sababta maamulka Waqooyi Bari uga maqnaaday mashruuca Bulsho, oo ah barnaamij horumarineed ayna maalgelinayso World Bank, kaas oo ku kacaya 35 milyan oo dollar.

Mashruucan oo si rasmi ah loo daahfuray 27-ka Abriil ayaa lagu sheegay mid loogu talagalay xoojinta bulshada iyo hay’adaha maxalliga ah, si loo horumariyo wadajirka bulshada, ka-qaybgalka loo dhan yahay iyo adkaysiga deegaanada fog-fog ee adeegyada ka fog.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee Waqooyi Bari looga reebay wejiga koowaad ay tahay in qorsheynta mashruucu ay bilaabatay ka hor dhismaha maamulkaas. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, diyaarinta mashruuca waxay soo bilaabatay bishii May 2023, halka wada-tashiyadii dowlad-goboleedyadana la sameeyay bishii May 2024.

Kulankii ugu dambeeyay ee dhammeystirka mashruuca ayaa la qabtay bishii February 2025 magaalada Nairobi, xilli maamulka Waqooyi Bari aan weli si rasmi ah loo dhisin. Dowladda ayaa xustay in dhismaha maamulka cusub la soo gabagabeeyay 30-kii August 2025.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay inay hadda ku howlan tahay sidii maamulka Waqooyi Bari loogu dari lahaa wejiyada dambe ee mashruuca iyo barnaamijyada kale ee la midka ah.

Mashruuca Bulsho ayaa la filayaa inuu ka hirgalo dowlad-goboleedyadii ka qayb qaatay diyaarintiisa, iyadoo mid kasta loo qoondeeyay 5 milyan oo dollar si loo fuliyo qorshayaasha horumarineed ee bulshada. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in mashruucan uu muhiim u yahay xoojinta dowladnimada hoose iyo horumarinta adeegyada bulshada.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.