
Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa lagu dilay magaalada Mandera, halka mid kale oo uu ku dhaawacmay, kadib markii koox la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya (NISA) ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka xaduuda udhaxeysa kenya iyo somalia.
Shan sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku sugnaa xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, markii ay la kulmeen koox ka tirsan NISA oo tiradoodu lagu qiyaasay 20, kuwaas oo rasaas ku furay.
Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua uu ku dhaawacmay rasaasta. Intii ay dhacdadu socotay, laba qori ayaa lagala baxay ciidamada Kenya, kuwaasoo gacanta u galay kooxda NISA.
Hubka la qaatay waxaa ka mid ahaa qori nooca G3 (lambarka A00708) oo ay la socdeen 60 xabbo oo rasaas ah, iyo qori AK-47 (lambarka 5501352) oo ay la socdeen 30 xabbo oo rasaas ah.
Sida ay sheegeen booliska Mandera, weerarkan nisa ay qaaday wuxuu la xiriiray aargoosi ka dhashay xarigga labo qof oo lagu eedeeyay isku-day afduub oo la doonayay in lagula kaxeysto shaqaale Shiinees ah oo ka shaqeynayay mashruuca bulaacadaha ee Mandera.
Walaalka mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana saraakiisha Kenya ay rumeysan yihiin inuu fududeeyay weerarka lagu qaaday ciidamada booliska.
Taliyaha Baarista Dembiyada ee Mandera, Pius Gitari, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagu sameeyay Kenya.
“Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya waxay weerar ku qaadeen askarteenna xadka, waxay dileen mid ka mid ah oo waxay qaateen labo qori,” ayuu yiri Gitari.
Wuxuu intaa ku daray in ujeeddada weerarka ay ahayd in la afduubto saraakiisha booliska si loogu cadaadiyo dowladda Kenya inay sii deyso eedeysanayaasha la xiray.
“Kooxdu waxay rabtay inay askarteenna afduubato, balse markii ay la kulmeen ciidan hubeysan, rasaas ayaa la is-weydaarsaday,” ayuu yiri.
Xubnaha NISA ayaa dhowr jeer booqday saldhigga booliska Mandera, iyagoo si aan shuruud lahayn u dalbanayay in la sii daayo labada eedeysane.
“Waxaan ogayn booqashooyinkooda joogtada ah iyo cadaadiska ay saarayeen sii deynta raggan. Sidaas darteed, waxaan go’aansanay in eedeysanayaasha loo wareejiyo Nairobi. Kooxda NISA waxay rabtay inay askarteenna afduubtaan si ay u khasbaan wadaxaajood lagu sii deynayo eedeysanayaashan,” ayuu yiri Gitari.
Isla markii uu weerarku dhacay, ciidamada ammaanka ee Mandera waxay la xiriireen maamulka magaalada Buulo Xaawo ee Soomaaliya.
“Waxaan weydiisanay maamulka Buulo Xaawo in ay noo soo celiyaan hubkeenna oo ay soo qabtaan kuwii weerarka fuliyay,” ayuu yiri Gitari.
Fiidnimadii Jimcaha, qorigii G3 ayaa lasoo celiyay, balse baaritaanka lagu raadinaayo qorigii AK-47-ka wali wuu socdaa.
“Waxaa nagu adag inaan si rasmi ah ula xiriirno dowladda Soomaaliya ee Buulo Xaawo, maadaama ay jiraan laba maamul oo iska soo horjeeda. Waxaa jira ciidamo ka tirsan Jubaland oo leh guddoomiye degmada, iyo sidoo kale ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA) oo iyagana leh guddoomiye u gaar ah,” ayuu yiri Gitari.
Bishii Febraayo 18, ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Mandera ayaa xiray Isaack Abdi Mohamed, oo loo yaqaano Kharan Abdi Hassan, iyo Noor Yakub Ali, kadib markii lala xiriiriyay qorshe lagu afduuban rabay ajaaniib ka shaqeyneysay mashruuc dowladeed oo ka socda Mandera East.
Booliska waxay sheegeen in Mohamed uu ka soo gudbay xadka Soomaaliya, isagoo si sharci darro ah ku helay aqoonsi Kenyan ah, taasoo u fududeysay inuu si xor ah ugu safro gudaha Kenya.
Sida ay ilo-wareedyada amniga ee Mandera sheegeen, Mohamed wuxuu ka yimid deegaanka El-Ade ee Soomaaliya.
Kahor intaan la xirin, Mohamed wuxuu horumar ballaaran ka sameeyay qorshihiisa afduubka shaqaalaha Shiineeska, xitaa wuxuu qof maxalli ah siiyay 100,000 oo shilinka Kenya ah si uu uga caawiyo fulinta howlgalka.
Waxaa kale oo boolisku xireen guddoomiye ku xigeenka xaafadda Bula Power ee Mandera, Yussuf Maalim Isaack, kadib markii lagu eedeeyay inuu fududeeyay bixinta aqoonsiyada Kenyaanka ee si sharci darro ah loo sameeyay. Isaack ayaa la xiray bishii Febraayo 20, 2025.
Dhacdadan nisa Jimcaha ah waxay kusoo beegantay iyadoo ay jireen warar sheegaya in weeraro argagixiso lagu bartilmaameedsanayo makhaayadaha cuntada ee Mandera.
“Isbuucii hore waxaa nalagu amray inaan xirno makhaayadaha ay maamulaan dadka aan deegaanka u dhalan, iyada oo lagu eedeeyay inay cuntada iibinayaan xilli Muslimiintu sooman yihiin,” ayuu yiri qof leh makhaayad ku taal Mandera, kaasoo codsaday in aan la magacaabin.
“Waa wax laga naxo in diinta loo adeegsado cadaadis lagu saarayo dadka ganacsiga leh,” ayay tiri haweeney ka mid ah ganacsatada Mandera.
“Warkan wuxuu naga soo gaaray saraakiisheena amniga, waxaana naga yaabisay in dadkii la rabay inay na ilaaliyaan ay hadda xannibayaan ganacsigeenna,” ayay raacisay.
NISA weerarkan war rasmi ah wali kama soo saarin wixi kaso kordho waan idinla soo socodsiindonaa..
📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah