• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland oo Markale qaaday talaabo kadhan ah DF, Maxay tahay?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 years ago
Reading Time: 3 mins read
Maamul goboleedka Puntland
Share

Maamul goboleedka Puntland

Maamul goboleedka Puntland oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda labada dhinac. Puntland ayaa si cad u diiday qorshaha Dowladda ee bixinta kaarka aqoonsiga hay’adda NIRA, kaas oo laga bixiyo magaalada Muqdisho iyo gobollo kale oo dalka ka mid ah.

“Qofkii qaata kaarka NIRA, xuquuqda Puntland wuu waayayaa”

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali, ayaa si adag uga horyimid bixinta kaarka NIRA, isagoo ku hanjabay in qof kasta oo reer Puntland ah oo qaata kaarkaas uu lumin doono xuquuqdiisa.

“Qofkii qaata kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonaa xuquuqda Puntland. Horta dastuur ahaan jiritaankeeda la isku hayaa, mana aqoonsanin,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in aysan marnaba aqbaleyn hay’adda NIRA, maadaama aysan ku dhisnayn heshiis dastuuri ah oo heshiis lagu yahay.

Xiisadda Puntland & Dowladda Federaalka oo cirka isku shareertay

Go’aankan ayaa ka dhigan mid sii xoojinaya xiisadda kala dhexeysa Dowladda Federaalka, gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Saciid Deni.

Puntlnd ayaa horay uga hortimid tallaabooyin kale oo ay qaaday Dowladda Federaalka, sida:

🔹 Imtixaanaadka mideysan ee dugsiyada sare
🔹 Wax ka beddelka dastuurka
🔹 Dhismaha Guddiga Doorashooyinka

Wasiir Axmed Macallin Fiqi: Ayaa horay usheegay in Dowlad Gobaleedka Puntlnd ay Diiday Inay Dowladda Ka Caawiso Dagaalka Ka Dhanka Ah Daacish

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweynahe Saciid Deni, uu diiday in dowladda federaalka ay gacan ka geysato dagaalka socda. “Waxaan haynaa caddeymo muujinaya in dowladda albaabada laga xirtay, iyadoo haddana nalagu eedeynayo inaanan kaalin ka qaadan dagaalka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi,

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, iyadoo ay Puntlnd u muuqato mid kasii fogaaneysa Dowladda Federaalka, taasoo khilaafka gaarsiin karta heer halis ah.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah & Faahfaahin degdeg ah


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.