Wararka24: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo amni xaqiijin iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalladan waxaa fuliyay Ururka 203aad ee Guutada 20aad Qeybta 1aad, kuwaas oo ka hawlgalay deegaannada Aybuuteey, Jowhara, Awdheegle, Aseenda Buube iyo dhulal kale oo ku yaalla bariga gobolka.
Intii ay howlgaladu socdeen, ciidamada ayaa baaritaanno ka sameeyay xaafado kala duwan, iyagoo diiradda saaray goobaha looga shakisan yahay inay gabaad ka dhigtaan kooxaha argagixisada.
Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxahaas, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka.
Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la sii xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga shacabka.























