• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Wednesday, March 25, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Ciidamada Kenya oo fashiliyey isku day Al-Shabaab ay ku geli lahaayeen Mandera

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 hours ago
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada Kenya oo fashiliyey isku day Al-Shabaab ay ku geli lahaayeen Mandera

Wararka Ugu Aqrintabadan

Xildhibaanada Soomaaliya ee EALA oo Lagu Dhaariyay Arusha

Xildhibaanada Soomaaliya ee EALA oo Lagu Dhaariyay Arusha

1 week ago
Soomaaliya oo Xubno ku Yeelatay Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Soomaaliya oo Xubno ku Yeelatay Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

1 week ago
Load More
Share

Wararka24: Ciidamada gaarka ah ee Kenya ayaa fashiliyey isku day ay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ku doonayeen inay kaga soo gudbaan xadka Kenya ee gobolka Mandera, kadib howlgal ay ku fuliyeen xog sirdoon oo ay heleen.

Laanta la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa sheegtay in ciidamada ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kooxda, xilli ay socdeen dabaaldegyada Ciidda, iyadoo lagu beegsaday duleedka deegaanka Sarira.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in laba ka mid ah dagaalyahannada la dilay, afar kalena ay dhaawacmeen, halka xubnihii kale ay dib ugu carareen gudaha Soomaaliya kadib rasaas culus oo lagu furay.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay dib u furto xadka Mandera bisha Abriil, kadib sanado badan oo uu xirnaa.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa horay u sheegay in xirnaanshaha xadka uu saameyn ku yeeshay nolosha shacabka iyo ganacsiga, isagoo ballan qaaday in la xoojin doono ammaanka si loo fududeeyo furitaanka xadka.

Ruto ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay bixiyaan xog kasta oo ka hortagi karta khataraha amni.

Xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa la xiray sanadkii 2011, kadib weerarro ay Al-Shabaab ka fulisay gudaha Kenya, iyadoo dadaallo hore oo dib loogu furayay aysan hirgelin.

Share
Tags: Wararka maantawararka mantawararka somaliaWararka24 manta
Previous Post

Nin lagu eedeeyay basaasidda Ramla Cali iyo kooxdiisa oo la xukumay

Next Post

Trump oo sheegay in wada hadallo u socdaan dalkiisa iyo Iiraan

Related Posts

Iiraan oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo dul mareysay Tehran

Iiraan oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo dul mareysay Tehran

by Amin Cali Abdi
5 hours ago

Wararka24: Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo dul...

Qatar oo ka baxday dhexdhexaadinta Mareykanka iyo Iiraan

Qatar oo ka baxday dhexdhexaadinta Mareykanka iyo Iiraan

by Amin Cali Abdi
5 hours ago

Wararka24: Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday in aysan ka qayb qaadan doonin dhexdhexaadinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan,...

Trump oo sheegay in wada hadallo u socdaan dalkiisa iyo Iiraan

Trump oo sheegay in wada hadallo u socdaan dalkiisa iyo Iiraan

by Amin Cali Abdi
5 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in wada hadallo u socdaan dalkiisa iyo Iiraan, xilli...

Nin lagu eedeeyay basaasidda Ramla Cali iyo kooxdiisa oo la xukumay

Nin lagu eedeeyay basaasidda Ramla Cali iyo kooxdiisa oo la xukumay

by Amin Cali Abdi
7 hours ago

Wararka24: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno kala duwan ku ridday eedeysaneyaal lagu helay falal la xiriira basaasid...

Iiraan oo soo bandhigtay shuruudo adag oo ku xiran heshiis ay la gasho Mareykanka

Iiraan oo soo bandhigtay shuruudo adag oo ku xiran heshiis ay la gasho Mareykanka

by Amin Cali Abdi
7 hours ago

Wararka24: Iiraan ayaa soo bandhigtay shuruudo dhowr ah oo ay ku xireyso heshiis kasta oo ay la gasho...

Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah

Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah

by Amin Cali Abdi
7 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa xalay kulan...

Load More
Next Post
Trump oo sheegay in wada hadallo u socdaan dalkiisa iyo Iiraan

Trump oo sheegay in wada hadallo u socdaan dalkiisa iyo Iiraan

Qatar oo ka baxday dhexdhexaadinta Mareykanka iyo Iiraan

Qatar oo ka baxday dhexdhexaadinta Mareykanka iyo Iiraan

Iiraan oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo dul mareysay Tehran

Iiraan oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo dul mareysay Tehran

Recommended

Soomaaliya iyo Somaliland

Soomaaliya iyo Somaliland oo Shir Caalami ah ka soo Muuqday sida labo dal.

10 months ago
soomaaliya

Bada Soomaaliya oo wajahaysa halis weyn. Maxa socda?

8 months ago
Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamaddii Ciidamada iyo Dambiyada Culus ee Puntland

5 months ago
Gabadh Soomaali ah oo London Si Naxdin leh Loogu Dilay

Gabadh Soomaali ah oo London Si Naxdin leh Loogu Dilay

10 months ago
Soomaaliya iyo Mareykanka

Soomaaliya iyo Mareykanka oo Hishisyo muhiim ah galay, Kadib Magacabisti Wasir FIQI

11 months ago
Waa Kuma Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Waa Kuma Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

2 months ago
Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.