• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamaddii Ciidamada iyo Dambiyada Culus ee Puntland

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweyne Deni
Share

Garoowe – Talaado, 28-ka Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray xeer Madaxweyne Lr. 09 oo ku taariikhaysan 28-da Oktoobar 2025, kaas oo lagu kala diray Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Puntland.

Wareegtada oo kasoo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib cabashooyin taxane ah oo ku saabsan eedeymo la xiriira caddaalad-darro iyo musuqmaasuq ay soo gudbiyeen garsoorayaal iyo dad horey ugu xukun dhacay maxkamadda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in talaabadan ay qayb ka tahay qorshe dib-u-habeyn ballaaran oo lagu hagaajinayo nidaamka garsoorka, xafiiska xeer-ilaalinta iyo maamulka cadaaladda guud ahaan Puntland, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo isla xisaabtan dhab ah.

Inta lagu guda jiro dhismaha maxkamad cusub, go’aannada la xiriira dacwadaha dambiyada culus ayaa si ku-meel gaar ah u gaari doona Maxkamadaha Racfaanka Puntland, sida lagu caddeeyay xeerka uu madaxweynuhu saxiixay.

Sidoo kale, saraakiishii hore ee ka tirsanaa garsoorka maxkamadda ciidamada ayaa lagu amray inay dib ugu laabtaan talisyadoodii hore, halka Madaxweynaha uu ballanqaaday in dhawaan la soo magacaabi doono garsoor cusub oo hufan.

Sanadkii hore, Madaxweyne Deni ayaa shaqo joojin ku sameeyay qaar ka mid ah masuuliyiinta maxkamadda, kadib markii lagu eedeeyay khaladaad sharciyeed iyo eex lagu arkay go’aamo ay soo saareen.

Go’aankan cusub ayaa imaanaya xilli Puntland ay ku jirto marxalad dib-u-habeyn amni iyo siyaasadeed, iyadoo Madaxweynaha uu qorsheynayo isku shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiirrada, agaasimayaasha guud iyo guddoomiyayaasha gobollada.

Siciid Cabdullaahi Deni

Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.