Wararka24: 1-02-2026 Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto degmada Buurhakaba ayaa eedeymo u jeediyay ciidamada Itoobiya ee ka tirsan hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika, iyagoo ku andacooday inay faragelin ku hayaan arrimaha siyaasadda gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed.
Warqad rasmi ah oo ku taariikhaysan 27-kii Febraayo 2026, una dirtay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayay xildhibaanada kala ah Saadaad Maxamed Nuur Caliyoow, Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo Maxamed Cali Xasan ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Qaybta 3-aad (Sector 3) ay cadaadis saarayaan maamulka Buurhakaba.
Waxay ku eedeeyeen inay ka leexdeen waajibaadkoodii sugidda amniga ayna ku milmeen arrimo siyaasadeed.
Xildhibaanadu waxay ku booriyeen Midowga Afrika in arrintan si degdeg ah loo baaro, iyagoo ka digay in ficillada noocan ah ay dhaawici karaan kalsoonida shacabka ee hawlgalka nabad-ilaalinta. “Ciidamada loo igmaday inay ilaaliyaan rayidka ma ahan inay ku lug yeeshaan jihaynta siyaasadda,” ayay ku sheegeen warqaddooda.
Warqadda ayaa sidoo kale xustay dhacdooyinkii doorashadii Koonfur Galbeed ee 2018-kii, markaas oo ciidamada Itoobiya lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen xarigga Mukhtaar Roobow. Xildhibaanadu waxay sheegeen in dhacdadaasi weli saameyn ku leedahay aragtida bulshada ee ku aaddan doorka ciidamada shisheeye.
Dhanka kale, waxay walaac ka muujiyeen xaaladda bani’aadannimo ee Buurhakaba, iyagoo tilmaamay go’doomin, caqabado duulimaadyo iyo saameynta abaaraha.
Ilaa hadda, ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Itoobiya ama taliska hawlgalka Midowga Afrika oo ku saabsan eedeymahan.


















