Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamada Booliska oo xiray Hibo Xuseen Wardheere

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa caawa gacanta ku dhigay Hibo Xuseen Wardheere, oo loo haysto inay baraha bulshada ku baahisay muuqaallo lagu tilmaamay kuwo ka hor imanaya qiyamka bulshada iyo dhaqanka wanaagsan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 1, 2026, 2:42 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada Booliska oo xiray Hibo Xuseen Wardheere
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa caawa gacanta ku dhigay Hibo Xuseen Wardheere, oo loo haysto inay baraha bulshada ku baahisay muuqaallo lagu tilmaamay kuwo ka hor imanaya qiyamka bulshada iyo dhaqanka wanaagsan.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Hibo ay soo xireen ciidamada Booliska ee Saldhigga degmada Garasbaaley, isla markaana ay u socoto baaritaan la xiriira eedeymaha loo jeediyay.

“Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha Hibo Xuseen Wardheere, oo lagu eedeeyay inay barta TikTok ku baahisay muuqaallo lid ku ah dhaqanka suubban iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Booliska.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan hordhac ah uu ku socdo eedeysanaha, isla markaana marka la soo gabagabeeyo loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si go’aan sharci looga gaaro.

Booliska Gobolka Banaadir ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu xoojinayo ilaalinta anshaxa bulshada iyo la dagaallanka falalka ay ku tilmaameen kuwa ka hor imanaya diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada ammaanka ay kordhiyeen dadaallada lagu beegsanayo dadka lagu tuhmo inay ku lug leeyihiin faafinta waxyaabo loo arko kuwo dhaawacaya qiyamka bulshada.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa ugu baaqay bulshada inay si masuuliyad leh u adeegsadaan baraha bulshada, isla markaana ay ka fogaadaan baahinta waxyaabaha ka hor imanaya shuruucda dalka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.