• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Erdogan oo shaciyay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka rajada wanaagsan ka qaba Turkiga

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Erdogan oo shaciyay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka rajada wanaagsan ka qaba Turkiga
Share

Wararka24: Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa uu maanta yahay rajada ay ka war sugayaan dalal iyo bulshooyin badan oo ka tirsan dunida Islaamka, isaga oo xusay in doorka Ankara uu sii kordhayo dhinacyada amniga, horumarka iyo gargaarka bani’aadannimada.

Erdoğan oo khudbad u jeedinayay xubnaha iyo taageerayaasha xisbigiisa AK Party ayaa sheegay in xisbiga talada haya iyo dowladda Turkigu aysan rajo u ahayn shacabka Turkiga oo keliya, balse ay sidoo kale rajo u yihiin dalal iyo bulshooyin badan oo ku nool dunida Islaamka iyo gobollada ay colaadaha saameeyeen.

Madaxweynaha Turkiga ayaa si gaar ah u xusay magaalooyin iyo dalal dhowr ah oo uu sheegay inay indhaha ku hayaan doorka Turkiga, isagoo yiri, “Ha niyad jabina. Waxaad tihiin rajada keliya ee Qasa, Dimishiq, Xalab, Muqdisho, Khartuum, Bayruud, Tripoli, Shaam iyo Lubnaan.”

Erdoğan ayaa sidoo kale sheegay in magaalooyin iyo dalal kale ay si dhow ula socdaan siyaasadda iyo doorka Turkiga, isagoo ku boorriyay xubnaha xisbigiisa inay sii laba jibbaaraan dadaallada iyo shaqada ay u hayaan dalkooda.

Hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa mar kale muujinaya muhiimadda ay Ankara siinayso Soomaaliya, xilli xiriirka labada dal uu gaaray heerkii ugu sarreeyay tan iyo booqashadii ugu horreysay ee Erdoğan uu ku tegay Muqdisho sanadkii 2011.

Booqashadaas ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay wajahaysey xaalado adag oo dhanka amniga iyo abaaraha ah, waxaana tan iyo xilligaas Turkigu uu noqday mid ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka hirgeliyay mashaariic la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka bani’aadannimada. Sidoo kale, Ankara ayaa door muuqda ka qaadatay dib-u-dhiska ciidamada Soomaaliya, iyadoo Muqdisho ka dhistay xerada tababarka ciidamada ee TURKSOM.

Labada dal ayaa sidoo kale sii xoojiyay iskaashigooda dhinacyada tamarta iyo dhaqaalaha, iyadoo Turkigu uu ka wado xeebaha Soomaaliya hawlo sahamin iyo baaritaan ku saabsan khayraadka dabiiciga ah.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.