Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Erdogan oo shaciyay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka rajada wanaagsan ka qaba Turkiga

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa uu maanta yahay rajada ay ka war sugayaan dalal iyo bulshooyin badan oo ka tirsan dunida Islaamka, isaga oo xusay in doorka Ankara uu sii kordhayo dhinacyada amniga, horumarka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 30, 2026, 2:26 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Erdogan oo shaciyay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka rajada wanaagsan ka qaba Turkiga
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa uu maanta yahay rajada ay ka war sugayaan dalal iyo bulshooyin badan oo ka tirsan dunida Islaamka, isaga oo xusay in doorka Ankara uu sii kordhayo dhinacyada amniga, horumarka iyo gargaarka bani’aadannimada.

Erdoğan oo khudbad u jeedinayay xubnaha iyo taageerayaasha xisbigiisa AK Party ayaa sheegay in xisbiga talada haya iyo dowladda Turkigu aysan rajo u ahayn shacabka Turkiga oo keliya, balse ay sidoo kale rajo u yihiin dalal iyo bulshooyin badan oo ku nool dunida Islaamka iyo gobollada ay colaadaha saameeyeen.

Madaxweynaha Turkiga ayaa si gaar ah u xusay magaalooyin iyo dalal dhowr ah oo uu sheegay inay indhaha ku hayaan doorka Turkiga, isagoo yiri, “Ha niyad jabina. Waxaad tihiin rajada keliya ee Qasa, Dimishiq, Xalab, Muqdisho, Khartuum, Bayruud, Tripoli, Shaam iyo Lubnaan.”

Erdoğan ayaa sidoo kale sheegay in magaalooyin iyo dalal kale ay si dhow ula socdaan siyaasadda iyo doorka Turkiga, isagoo ku boorriyay xubnaha xisbigiisa inay sii laba jibbaaraan dadaallada iyo shaqada ay u hayaan dalkooda.

Hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa mar kale muujinaya muhiimadda ay Ankara siinayso Soomaaliya, xilli xiriirka labada dal uu gaaray heerkii ugu sarreeyay tan iyo booqashadii ugu horreysay ee Erdoğan uu ku tegay Muqdisho sanadkii 2011.

Booqashadaas ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay wajahaysey xaalado adag oo dhanka amniga iyo abaaraha ah, waxaana tan iyo xilligaas Turkigu uu noqday mid ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka hirgeliyay mashaariic la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka bani’aadannimada. Sidoo kale, Ankara ayaa door muuqda ka qaadatay dib-u-dhiska ciidamada Soomaaliya, iyadoo Muqdisho ka dhistay xerada tababarka ciidamada ee TURKSOM.

Labada dal ayaa sidoo kale sii xoojiyay iskaashigooda dhinacyada tamarta iyo dhaqaalaha, iyadoo Turkigu uu ka wado xeebaha Soomaaliya hawlo sahamin iyo baaritaan ku saabsan khayraadka dabiiciga ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

13 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

13 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

15 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

16 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

16 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

16 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

16 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

17 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.