Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya oo tacsi u dirtay Sacuudiga kadib shil diyaaradeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay Boqortooyada Sacuudi Carabiya kadib shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Ras Tanura, kaas oo ay ku burburtay diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leedahay shirkadda Saudi Aramco.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 29, 2026, 4:54 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo tacsi u dirtay Sacuudiga kadib shil diyaaradeed
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay Boqortooyada Sacuudi Carabiya kadib shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Ras Tanura, kaas oo ay ku burburtay diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leedahay shirkadda Saudi Aramco.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka murugootay dhimashada 14 muwaadiniin Sacuudiyaan ah oo ku geeriyooday shilkaasi.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaddib shilkii naxdinta lahaa ee diyaaradda qumaatiga u kaca ee shirkadda Saudi Aramco ee ka dhacay Gobolka Ras Tanura,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda ula garab taagan tahay Sacuudiga xilligan adag, iyadoo Alle uga bariday dadkii ku dhintay shilka inuu naxariistiisa siiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelladooda iyo shacabka Sacuudiga.

Wasaaraddu waxay sidoo kale dib u xaqiijisay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo xustay in labada dal ay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah waddamada Carbeed ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bani’aadannimada iyo iskaashiga dhaqaalaha.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

54 minutes ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

2 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

2 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

2 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

2 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

2 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

22 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.