• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Turkiga oo xoojinaya dadaallada dhex-dhexaadinta DF iyo mucaaradka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Turkiga oo xoojinaya dadaallada dhex-dhexaadinta DF iyo mucaaradka
Share

Wararka24: Dowladda Turkiga ayaa sii waddo dadaallada lagu doonayo in lagu xaliyo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka. Wada-hadallo iyo kulamo kala duwan ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu raadinayo xal looga gaaro muranka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka kale ee taagan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in diblumaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha Turkiga ay door muuqda ku leeyihiin dadaallada socda. Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay kulamo la leeyihiin dhinacyada kala duwan si loo abuuro jawi lagu bilaabi karo wada-hadal rasmi ah oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in siyaasiyiinta mucaaradka ay muujiyeen diyaar garow dheeraad ah oo ku aaddan ka qaybgalka wada-hadallada. Kulamo gaar ah ayaa la sheegay inay la leeyihiin wakiillada Turkiga, iyadoo la filayo in tallaabooyinkaasi ay gogol xaar u noqdaan wada-hadal toos ah oo dhex mara dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac ayaa sidoo kale la sheegay inay khuseeyaan madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo qayb ka ah isbahaysiyada mucaaradka. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxdaasi oo ku saabsan mowqifkooda kama dambaysta ah ee wada-hadallada socda.

Qorshaha hadda la wado ayaa ah in marka hore la isku af-garto ajendaha iyo qodobbada laga wada hadli doono. Marka heshiis laga gaaro arrimahaas, waxaa la filayaa in la dejiyo jadwal rasmi ah oo lagu bilaabayo wada-hadallada siyaasadeed ee la sugayo.

Dadaalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay iska hor imaadyo hubeysan oo dhawaan ka dhacay qaybo ka mid ah Muqdisho. Khilaafka siyaasadeed ee dalka ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo dhinacyo badan ay ku baaqayaan in xal kasta lagu gaaro wadahadal iyo is-afgarad.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in guusha dadaallada Turkiga ay door muhiim ah ka ciyaari karto yareynta xiisadda taagan iyo dib u soo celinta kalsoonida u dhexeysa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.