Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta u ambabaxay dalka Maraykanka, isagoo sii mari doona Isutagga Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige Deyr.
Afhayeenka ayaa sheegay in safarkan uu yahay kii ugu horreeyay ee Madaxweyne Cirro ku tago Maraykanka tan iyo markii uu xilka madaxtinimada Somaliland qabtay.
Sida lagu sheegay bayaanka, safarka ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dadaallada Somaliland ay ugu jirto sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah.
Inta uu ku sugan yahay Maraykanka, Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiin iyo dhinacyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo uu kala hadli doono arrimo la xiriira danaha iyo himilooyinka Somaliland, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in safarku qayb ka yahay dadaallada Somaliland ay ku doonayso inay ku xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dhinacyada caalamiga ah.
Safarka Madaxweyne Cirro ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah, iyadoo sidoo kale dooneysa inay ballaariso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Arrimaha amniga iyo dhaqaalaha ayaa kamid ah qodobada muhiimka ah ee Somaliland ay doonayso inay iskaashi dheeraad ah kala yeelato dhinacyada caalamiga ah, iyadoo maamulku uu sidoo kale xoogga saarayo soo jiidashada maalgashiga shisheeye.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulamada iyo natiijooyinka safarka ayaa la filayaa inay soo baxaan inta uu Madaxweyne Cirro ku sugan yahay Maraykanka.












