Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland aysan hadda saldhigyo ama joogitaan ciidan siin Israa’iil iyo Maraykanka, balse ay diyaar u tahay inay magaalada Berbera ka siiso saldhigyo haddii labada dal ay danaynayaan.
Hadalka madaxweynaha ayaa lagu soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska The Economist, iyadoo Cirro uu sheegay in wararka sheegaya joogitaan ciidan oo Israa’iil ama Maraykanku ku leeyihiin Somaliland aysan ahayn kuwo sax ah.
“Ilaa hadda ma jiro joogitaan ciidan oo Israa’iil ama Maraykanku ku leeyihiin Somaliland,” ayuu yiri Cirro, sida lagu soo xigtay warbixinta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in haddii Israa’iil iyo Maraykanku ay danaynayaan isticmaalka saldhigyo ciidan, Somaliland ay diyaar u tahay inay u oggolaato inay saldhigyo ka sameystaan Berbera. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan loollanka quwadaha caalamka iyo kuwa gobolka ee ku saabsan goobaha istiraatiijiga ah ee ku dhow Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Warbixinta The Economist ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadka Carabta uu saldhig ku leeyahay dekedda Boosaaso ee Puntland. Waxaa sidoo kale jiray warar aan si madax-bannaan loo xaqiijin oo sheegaya joogitaan Israa’iil ay ku leedahay halkaasi.
Cirro ayaa dhanka kale sheegay inuu qorsheynayo inuu bisha soo socota booqdo Washington, isagoo rajo ka muujiyay inuu kulan fool-ka-fool ah la yeesho Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Haddii kulankaasi dhaco, wuxuu noqon karaa kulan taariikhi ah oo dhex mara madaxweyne Somaliland ah iyo madaxweyne Mareykan ah.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay rajaynayso in Mareykanku mustaqbalka aqoonsado Somaliland. Wuxuu sidoo kale sheegay inay filayaan in ugu yaraan hal waddan oo kale uu Somaliland aqoonsado ka hor dhammaadka sannadka.
Arrimaha saldhigyada ciidan iyo xiriirka Somaliland la leedahay quwadaha caalamka ayaa imanaya xilli Berbera iyo guud ahaan xeebaha Gacanka Cadmeed ay leeyihiin muhiimad istiraatiiji ah oo la xiriirta amniga maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.







