Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

shirka Golaha Wasiirrada oo maanta lagu soo bandhigay kobaca dhaqaalaha iyo xisaab-xirka 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho, iyadoo looga hadlay xaaladda dhaqaalaha, amniga iyo difaaca dalka. Kulanka waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 20, 2026, 5:51 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
shirka Golaha Wasiirrada oo maanta lagu soo bandhigay kobaca dhaqaalaha iyo xisaab-xirka 2025
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho, iyadoo looga hadlay xaaladda dhaqaalaha, amniga iyo difaaca dalka. Kulanka waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan xisaab-xirka sanadlaha ah ee miisaaniyadda 2025, kobaca dhaqaalaha, dakhliga gudaha iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee dowladda. Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee maamulka dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay 3.1 boqolkiiba, iyadoo kobaca lagu cabbiray wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP). Dowladda ayaa sheegtay in kobacaasi uu qayb ka yahay isbeddellada ka socda nidaamka dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya gaarto isku-filnaansho dhaqaale. Wuxuu sheegay in arrintaasi u baahan tahay in si wanaagsan looga faa’iideysto wax-soo-saarka gudaha iyo kheyraadka dalka.

Xamsa ayaa sidoo kale ku baaqay in la kordhiyo dakhliga gudaha, lana dhiirrigeliyo maalgashiga. Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la xoojiyo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka maaliyadeed iyo ilaalinta hantida qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku ammaanay natiijada qiimeyn uu sameeyay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud. Sida lagu sheegay warbixinta, maamulka maaliyadeed ee dowladda ayaa markii ugu horreysay lagu qiimeeyay heerka loo yaqaan “Aragti Nadiif ah”, oo dowladda ay ku tilmaantay heer sare oo muujinaya hufnaanta maamulka maaliyadeed.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida. Saraakiisha iyo hay’adaha ay khusayso ayaa golaha siiyay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kasoo kabanayo xaaladihii adkaa ee hore, isagoo rajo ka muujiyay in dalka uu mustaqbalka gaari karo isku-filnaansho dhaqaale oo yareeya ku-tiirsanaanta kaalmooyinka dibadda.

Wuxuu sheegay in horumarka dhaqaalaha iyo dadaallada dib-u-habeynta maaliyadeed ay qayb ka yihiin adkeysiga iyo dadaalka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dowladda ay sheegtay inay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

5 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

7 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

8 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

8 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

8 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

8 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

8 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.