Wararka24: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho, iyadoo looga hadlay xaaladda dhaqaalaha, amniga iyo difaaca dalka. Kulanka waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan xisaab-xirka sanadlaha ah ee miisaaniyadda 2025, kobaca dhaqaalaha, dakhliga gudaha iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee dowladda. Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee maamulka dhaqaalaha dalka.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay 3.1 boqolkiiba, iyadoo kobaca lagu cabbiray wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP). Dowladda ayaa sheegtay in kobacaasi uu qayb ka yahay isbeddellada ka socda nidaamka dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya gaarto isku-filnaansho dhaqaale. Wuxuu sheegay in arrintaasi u baahan tahay in si wanaagsan looga faa’iideysto wax-soo-saarka gudaha iyo kheyraadka dalka.
Xamsa ayaa sidoo kale ku baaqay in la kordhiyo dakhliga gudaha, lana dhiirrigeliyo maalgashiga. Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la xoojiyo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka maaliyadeed iyo ilaalinta hantida qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku ammaanay natiijada qiimeyn uu sameeyay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud. Sida lagu sheegay warbixinta, maamulka maaliyadeed ee dowladda ayaa markii ugu horreysay lagu qiimeeyay heerka loo yaqaan “Aragti Nadiif ah”, oo dowladda ay ku tilmaantay heer sare oo muujinaya hufnaanta maamulka maaliyadeed.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida. Saraakiisha iyo hay’adaha ay khusayso ayaa golaha siiyay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kasoo kabanayo xaaladihii adkaa ee hore, isagoo rajo ka muujiyay in dalka uu mustaqbalka gaari karo isku-filnaansho dhaqaale oo yareeya ku-tiirsanaanta kaalmooyinka dibadda.
Wuxuu sheegay in horumarka dhaqaalaha iyo dadaallada dib-u-habeynta maaliyadeed ay qayb ka yihiin adkeysiga iyo dadaalka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dowladda ay sheegtay inay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka













