• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweynaha Somaliland oo Waqooyi Bari ugu baaqay nabad

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweynaha Somaliland oo Waqooyi Bari ugu baaqay nabad
Share

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku baaqay in la gaaro heshiis nabadeed oo dhex mara Somaliland iyo maamulka Waqooyi Bari, isaga oo sidoo kale soo jeediyay in la is-weydaarsado maxaabiista si loo yareeyo xiisadaha jira.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay khudbaddiisa sanadlaha ah ee uu u jeediyay Baarlamaanka Somaliland, isagoo muujiyay rajo wanaagsan oo ku aaddan in khilaafaadka jira lagu xallin karo wadahadal iyo is-afgarad.

Cirro ayaa xusay in xukuumaddiisu ay xiriir la samaysay madaxda Waqooyi Bari, islamarkaana ay diyaar u tahay tallaabo kasta oo horseedi karta nabad waarta. Wuxuu tilmaamay in xaaladda gobolka Sanaag ay tusaale u tahay sida wada hadal lagu gaari karo xal nabadeed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo gobollada sida Sool uu yahay mid qoto dheer oo ku saleysan dhaqan iyo wadaag bulsho, taas oo u baahan in lagu xalliyo si wadajir ah wixii tabasho ah ee jira.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaallada nabadeed ee ay wadaan isimada iyo odayaasha dhaqanka, gaar ahaan ergadii uu hoggaaminayay Garaad Kulmiye, kuwaas oo booqashooyin ku tagay magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood.

Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay is-weydaarsiga maxaabiista iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin, isla markaana la dib u furo isku socodka dadka iyo ganacsiga si loo xoojiyo wada noolaanshaha bulshada.

Si kastaba, baaqan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli jiraan xiisado ka taagan qaybo ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag, iyadoo dadaallo nabadeed ay socdaan.

Ugu dambayn, madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay dhismaha nabada, is-weydaarsiga maxaabiista oo aan shuruud lahayn, iyo in dib loo furo isku socodka dadka iyo ganacsiga si loo xoojiyo nabadda iyo wada noolaansha


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.