Wararka24: 4-02-2026: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa Dubai kula kulmay Prince Edward, Duke of Edinburgh, oo ah walaalka Boqorka Ingiriiska King Charles III, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland.
Kulanka ayaa ka dhacay casho-sharaf lagu casuumay madaxdii ka qeyb-gashay Shirka Dowladaha Adduunka ee ka socday Dubai, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa masuuliyiin kale oo ka tirsan Boqortooyada Midowday Ingiriiska.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in kulankan uu qeyb ka ahaa munaasabado diblomaasiyadeed oo heer caalami ah oo lagu xoojinayay is-dhexgalka siyaasadeed.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka soo qeyb-galay Sir Gavin Williamson MP, oo xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ingiriiska, kaas oo si fagaare ah u muujiyay taageero ku aaddan arrimaha Somaliland.
Madaxtooyadu waxay sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu uga mahadceliyay Sir Gavin Williamson taageerada joogtada ah ee uu muujiyo, isla markaana uu ku boorriyay in arrimaha Somaliland lagu sii qaado fagaarayaasha siyaasadeed ee caalamiga ah.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in kulanka lagu adkeeyay muhiimadda sii xoojinta iskaashiga dhinacyada kala ah dawladnimada, horumarinta, amniga iyo xiriirka bulshada ee u dhexeeya dhinacyada, isla markaana la muujiyay rabitaan wadajir ah oo lagu horumarinayo dano-wadaag iyo mustaqbal waara.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay nabad-ku-wada noolaanshaha, wada-hadalka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wararka muhomka ha kalasoco WARARKA24


















