Muqdisho – Isniin, 4-ta November 2025 – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay dadka Soomaaliyeed ee ku diiday guusha uu gaaray Omar Fateh, oo ah siyaasi asal ahaan Soomaali ah oo u tartamaya xilka duqa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay tahay “ceeb iyo niyad-xumo” in qaar ka mid ah Soomaalida ay ka hor yimaadaan guusha wiilkaas, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay salka ku hayso isir nacayb iyo diidmo ku saabsan jinsiyaddiisa iyo diintiisa.
“Cumar Faatax, heerka uu joogo wuxuu ku gaaray karti, aqoon, iyo qiime uu dalkiisa Mareykanka ka dhaxlay. Waxaa laga doonayaa Soomaalida inay ku faanto guushiisa, ma ahan inay ku diido isirkiisa iyo diintiisa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Wuxuu intaas ku daray in Omar Fateh uu tusaale fiican u yahay jiil cusub oo muujinaya kartida Soomaalida qurbojoogta ah, isagoo sheegay in dadka ka soo horjeeda guushiisa ay ku dhaqmayaan fikir duugoobay. “Siyaasaddu waa halgan, wuxuuna ka gudbay caqabado badan oo ay ka mid yihiin nolosha qaxootinimo iyo faquuq,” ayuu raaciyay.
Doorashada magaalada Minneapolis ayaa la qabanayaa maanta oo Talaado ah, waxaana Omar Fateh la tartamaya afar musharax oo uu ugu cadcad yahay duqa hadda xilka haya, Jacob Frey, dhammaantoodna waxay ka tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.
Omar Fateh, oo 35 jir ah, waa senatarka gobolka Minnesota ee degmada 62-aad, wuxuuna ku jiraa xilliigiisii labaad. Wuxuu ku dhashay magaalada Washington D.C., isagoo ah wiil ay dhalleen waalid Soomaali ah oo soogalooti ahaa.
Fateh ayaa shahaadada Master-ka ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason University ee gobolka Virginia, wuxuuna hore uga soo shaqeeyay Wasaaradda Gaadiidka Minnesota.
Sanadkii 2020 ayuu noqday Muslimkii ugu horreeyay ee laga soo doorto gobolka Minnesota isagoo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga. Tan iyo markaas wuxuu noqday cod muuqda oo difaaca xuquuqda dadka qaxootiga iyo shaqaalaha gaadiidka dadweynaha.
















