Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda oo gurmad iyo adeegyo taageero ah u fidisay 130 muwaadin oo laga keenay Liibiya

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa maanta gurmad iyo adeegyo taageero ah u fidisay ku dhowaad 130 muwaadin Soomaaliyeed oo laga soo celiyey dalka Liibiya, kuwaas oo muddo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalkaas.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 3, 2026, 5:32 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Dowladda oo gurmad iyo adeegyo taageero ah u fidisay 130 muwaadin oo laga keenay Liibiya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa maanta gurmad iyo adeegyo taageero ah u fidisay ku dhowaad 130 muwaadin Soomaaliyeed oo laga soo celiyey dalka Liibiya, kuwaas oo muddo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalkaas.

Muwaadiniintan oo isugu jira dhallinyaro iyo waayeel ayaa dib loogu soo celiyey Soomaaliya iyadoo dadaalladaasi ay qeyb ka yihiin qorshayaasha lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan waddamada ay u tahriibaan.

Markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa si toos ah loo geeyey xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, halkaas oo loogu sameeyey diiwaangelin, soo dhoweyn iyo qiimeyn ku saabsan xaaladahooda guud.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, Liibaan Cabdi, ayaa sheegay in hay’addu diyaarisay adeegyo kala duwan oo lagu taageerayo dadka dib loogu soo celiyey dalka. Wuxuu tilmaamay in muwaadiniinta la siin doono daryeel ku habboon si ay dib ugu bilaabaan noloshooda.

Mas’uulka ayaa sheegay in dhammaan dadka la keenay loo sameyn doono baaritaanno caafimaad oo lacag la’aan ah si loo ogaado xaaladahooda caafimaad, loona siiyo adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin.

Sidoo kale, waxaa la qorsheeyey in muwaadiniintan lagu diiwaangeliyo Adeegga Aqoonsiga Qaranka ee NIRA, iyadoo hay’addu ka taageeri doonto sidii ay ula midoobi lahaayeen ehelladooda iyo qoysaskooda ku nool gudaha dalka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in hay’addu sidoo kale ka shaqeyn doonto sidii muwaadiniintan loogu heli lahaa fursado shaqo, waxbarasho iyo adeegyo kale oo gacan ka geysan kara dib-u-dhiskooda nololeed iyo la qabsiga bulshada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii dambe kordhisay dadaallada lagu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalal kala duwan, gaar ahaan kuwa la kulma xaalado adag oo la xiriira tahriibka iyo xarigga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.