Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Maamulka Puntland ayaa xiray laba sarkaal oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ciidanka Danab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka wadeen magaalada Garoowe hawlo la xiriira qorista ciidamo loo tababarayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 2, 2026, 3:17 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maamulka Puntland ayaa xiray laba sarkaal oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ciidanka Danab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka wadeen magaalada Garoowe hawlo la xiriira qorista ciidamo loo tababarayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in labada sarkaal lagu qabtay gudaha magaalada Garoowe, halka sarkaal saddexaad lagu soo warramay inuu u baxsaday dhinaca magaalada Laascaanood. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in saraakiisha ay wateen gaari nooca Brooke ah oo ka yimid Laascaanood kuna sii jeeday Garoowe.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhacdada, mana jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama taliska Ciidanka Danab oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay saraakiisha la xiray.

Puntland ayaa hore u sheegtay in aan deegaannadeeda laga fulin karin qorista ciidamo ay maamusho dowladda federaalka, iyadoo ku dooday in arrintaasi ay ka hor imaanayso go’aannada iyo siyaasadaha amniga ee maamulka.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga, awood-qaybsiga iyo hannaanka maamulka dalka.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo nabadoonnada gobolka Nugaal ayaa ugu baaqay dhinacyada inay ka fogaadaan tallaabooyin horseedi kara xiisad hor leh, iyagoo ku baaqay in lagu xalliyo khilaafaadka jira wada-hadal iyo is-afgarad.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhowaan dowladda federaalka ku eedeeyay inay waddo qorshe uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida Puntland, isagoo sheegay in ciidamada maamulka ay diyaar u yihiin sugidda amniga deegaannada ay maamulaan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.