Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Aadan Madoobe oo dowladda ka dalbaday in General Cirro loo soo diro

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, uu Dowladda Federaalka ka dalbaday in General Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro dib loogu soo diro Baydhabo.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 3, 2026, 2:53 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Aadan Madoobe oo dowladda ka dalbaday in General Cirro loo soo diro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, uu Dowladda Federaalka ka dalbaday in General Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro dib loogu soo diro Baydhabo.

Sida wararku sheegayaan, Aadan Madoobe ayaa doonaya in General Cirro uu door ka qaato sugidda amniga iyo difaaca magaalada Baydhabo, xilli magaalada ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo amni.

Dowladda Federaalka ayaa hore General Cirro muddo bil ah u xil saartay amniga Baydhabo, laga bilaabo 15-kii May, iyadoo xilkaasi uu la xiriiray diyaar-garowga doorashadii hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ee 10-kii June uu ku guuleystay Aadan Madoobe.

Intii uu Baydhabo ku sugnaa, Aadan Madoobe ayaa hore u ammaanay waxqabadka General Cirro ee dhinaca amniga iyo doorkii uu ka qaatay xasilloonida magaalada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in General Cirro uu tan iyo bartamihii June ka maqnaa Baydhabo, kaddib markii Dowladda Federaalka ay magaalada kasoo celisay. Waxaa sidoo kale la sheegay in xilligaas loo qorsheeyay inuu qabto xilka Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Dhuusamareeb, balse uu ka cudurdaartay.

Sida wararkaasi sheegayaan, General Cirro wuxuu diidmadaas ku sababeeyay inuusan doonayn inuu ku milmo khilaaf siyaasadeed iyo maamul oo xilligaas ka jiray Galmudug, gaar ahaan khilaafka u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

General Cirro, oo muddooyinkii u dambeeyay kamid ahaa saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sidoo kale la sheegay inuu muddo ku maqnaa xarumaha ciidamada, inkastoo aanay Dowladda Federaalka soo saarin war rasmi ah oo caddeynaya xilka uu hadda hayo.

Aadan Madoobe ayaa la fahamsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Dowladda Federaalka, iyadoo maamulka uu hoggaamiyo uu taageero siyaasadeed iyo mid amni ka helayo dowladda dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dalabka Aadan Madoobe ee ku aaddan in General Cirro dib loogu celiyo Baydhabo aan weli laga bixin jawaab rasmi ah. Lama oga haddii dowladda ay aqbali doonto codsiga hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.