Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Golihiisa Wasiirrada iyo Qodabada laga hadlay

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta kulan la yeeshay xubnihii Golaha Wasiirrada ee hore iyo wasiirrada cusub, isagoo uga mahadceliyay masuuliyiintii hore shaqadii ay soo qabteen, isla markaana tilmaamay in khibraddooda…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 15, 2026, 5:29 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Golihiisa Wasiirrada iyo Qodabada laga hadlay
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta kulan la yeeshay xubnihii Golaha Wasiirrada ee hore iyo wasiirrada cusub, isagoo uga mahadceliyay masuuliyiintii hore shaqadii ay soo qabteen, isla markaana tilmaamay in khibraddooda looga faa’iideysan doono horumarinta dowladnimada iyo adeegyada bulshada.

Kulanka uu la qaatay wasiirradii hore ayaa lagu bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen dhismaha hay’adaha dowladda iyo horumarinta maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirradii hore ayaa dhankooda muujiyay inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan maamulka cusub, kana qeyb qaadan doonaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada bulshada iyo horumarka deegaannada.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay Golaha Wasiirrada cusub, isagoo kala hadlay mudnaanta horyaalla xukuumadda iyo sidii loo dardargelin lahaa fulinta qorshayaasha horumarineed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada, adkeynta maamul-wanaagga iyo isku dubbaridka qorshayaasha wasaaradaha.

Aadan Madoobe ayaa wasiirrada cusub ku boorriyay inay waajibaadkooda u gutaan si hufan oo daacadnimo ku dheehan tahay. Wuxuu sidoo kale faray inay mudnaan siiyaan adeegyada bulshada, isla-xisaabtanka iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee dowladda, si loo daboolo baahiyaha shacabka.

Wasiirrada cusub ayaa uga mahadceliyay hoggaamiyaha kalsoonida uu siiyay, iyagoo ballanqaaday inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan horumarinta hay’adaha dowladda, kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo xaqiijinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

23 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.