Wararka24: Puntland ayaa ku dhawaaqday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci-darro ah gudaha deegaanada maamulka.
Go’aankan ayaa kasoo baxay shir amni oo magaalada Boosaaso uu ku guddoomiyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo looga hadlay xaaladda amni ee gobolka Bari iyo sidii loo xoojin lahaa xakamaynta hubka sharci-darrada ah.
Maamulka ayaa sheegay in hay’adaha amniga iyo caddaaladda loo xil saaray fulinta go’aanka, iyadoo hub kasta oo sharci-darro ah oo lagu qabto gudaha Puntland lala wareegi doono.
Sidoo kale, tallaabada ayaa lagu qaadi doonaa dadka lagu helo inay hub sharci-darro ah soo geliyaan Puntland, ka ganacsadaan ama si aan sharci ahayn u isticmaalaan. Puntland waxay sheegtay in dadkaasi wajihi doonaan tallaabooyin waafaqsan sharciga.
Shirka amniga ayaa sidoo kale lagu go’aamiyey in lala wareego hubka loo adeegsado dagaallada beelaha, iyadoo dadka ku lug yeesha abaabulka, hurinta ama sii wadista colaadaha beelaha laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in xakamaynta hubka sharci-darrada ah ay qayb ka tahay qorshayaasha lagu xoojinayo amniga gobolka Bari, iyadoo la doonayo in la yareeyo khataraha ka dhasha hubka si aan nidaamsanayn u faafa.
Go’aankan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli Puntland ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxaha hubeysan, burcad-badeedda iyo tahriibka, kuwaas oo maamulka uu sheegay inay kamid yihiin caqabadaha amni ee ka jira deegaanadiisa.
Puntland ayaa hay’adaha ay khusayso ku amartay inay si gaar ah uga shaqeeyaan hirgelinta go’aannada kasoo baxay shirka, si loo xoojiyo amniga iyo kala dambeynta guud ee deegaanada maamulka.







