Wararka24: Ugu yaraan siddeed askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay gobolka Bari, sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka. Qaraxa ayaa haleelay gaari ay la socdeen ciidamada, waxaana la sheegay in inta badan askartii saarneyd ay ku dhinteen goobta.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale tilmaamaya inay jiraan askar kale oo ku dhaawacmay qaraxa. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland weli si rasmi ah uma shaacin tirada saxda ah ee khasaaraha ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida uu weerarku u dhacay.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Boosaaso uu ka socdo kulan u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo saraakiil ka socda Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kuwaas oo ka wada hadlaya xaaladda amniga Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga la dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale, Maraykanka ayaa dhawaan hakiyay duqeymihii uu ka fulin jiray fariisimaha kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad. Isla markaana, qulqulatooyinka ciidan ee ka jira Puntland ayaa la sheegay inay saameyn ku yeesheen howlgaladii ka dhanka ahaa kooxda, oo weli ku sugan qaybo ka mid ah buurahaas.
Maalmihii u dambeeyay Puntland ayaa sidoo kale ciidamo ka soo daadgureysay furimaha dagaalka, si ay uga qeyb qaataan munaasabaddii 28-guurada aas-aaska Puntland, taas oo ku beegnayd maalintii shalay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana la filayaa in maamulka Puntland uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo marka ay soo gebagebowdo baaritaanka dhacdada.


















