• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Duqeyn ka dhacday duleedka Baydhaba kahor  munaasabadda caleema-saarka 

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Duqeyn ka dhacday duleedka Baydhaba kahor  munaasabadda caleema-saarka 
Share

Wararka24: Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday duleedka magaalada Baydhaba, halkaas oo la sheegay inay howlgal ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka F-16.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugta gantaallo culus, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ama waxyeellada ka dhalatay duqeyntaasi.

Duqeynta ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada dowladda ay xoojiyeen howlgalada amniga ee ka socda daafaha Baydhaba, iyadoo la adkeeyay ammaanka magaalada inta lagu jiro qabanqaabada munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen ay ku sugan yihiin deegaanno ka baxsan magaalada, halka kooxda Al-Shabaab ay sidoo kale weli ka jirto halis amni oo ka taagan qaybo kamid ah gobolka.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in aan weli la caddeyn bartilmaameedka duqeynta, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga oo faahfaahin ka bixiyay howlgalka.

Magaalada Baydhaba waxaa haatan ku sugan madax iyo wafuuud kala duwan oo ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed. Waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo maanta gaaray magaalada.

Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda uu Baydhaba gaaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleemo-saarka oo la filayo inay noqoto mid si heer sare ah loo soo agaasimay.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.