Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Duqeyn ka dhacday duleedka Baydhaba kahor  munaasabadda caleema-saarka 

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday duleedka magaalada Baydhaba, halkaas oo la sheegay inay howlgal ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka F-16.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 6, 2026, 2:14 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Duqeyn ka dhacday duleedka Baydhaba kahor  munaasabadda caleema-saarka 
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday duleedka magaalada Baydhaba, halkaas oo la sheegay inay howlgal ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka F-16.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugta gantaallo culus, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ama waxyeellada ka dhalatay duqeyntaasi.

Duqeynta ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada dowladda ay xoojiyeen howlgalada amniga ee ka socda daafaha Baydhaba, iyadoo la adkeeyay ammaanka magaalada inta lagu jiro qabanqaabada munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen ay ku sugan yihiin deegaanno ka baxsan magaalada, halka kooxda Al-Shabaab ay sidoo kale weli ka jirto halis amni oo ka taagan qaybo kamid ah gobolka.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in aan weli la caddeyn bartilmaameedka duqeynta, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga oo faahfaahin ka bixiyay howlgalka.

Magaalada Baydhaba waxaa haatan ku sugan madax iyo wafuuud kala duwan oo ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed. Waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo maanta gaaray magaalada.

Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda uu Baydhaba gaaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleemo-saarka oo la filayo inay noqoto mid si heer sare ah loo soo agaasimay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

3 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.