Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Diyaaradaha dagaalka F-16 oo ka qeyb galay dabaal-degga 1-da Luulyo

Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, gaar ahaan kuwa F-16 ee loogu deeqay ciidamada cirka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb qaatay munaasabadda xuska 66-guurada 1-da Luulyo, iyagoo bandhig hawada ah ka sameeyay magaalada Muqdisho.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 1, 2026, 5:42 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Daawo: Diyaaradaha dagaalka F-16 oo ka qeyb galay dabaal-degga 1-da Luulyo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, gaar ahaan kuwa F-16 ee loogu deeqay ciidamada cirka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb qaatay munaasabadda xuska 66-guurada 1-da Luulyo, iyagoo bandhig hawada ah ka sameeyay magaalada Muqdisho.

Bandhigga ayaa qeyb ka ahaa dabaal-degga maalinta xorriyadda, waxaana diyaaradaha lagu arkay iyagoo dul maraya qaybo ka mid ah caasimadda, xilli ay shacabka iyo madaxda qaranka ka daawanayeen munaasabadda ka socotay Taalada Daljirka Dahsoon.

Diyaaradahaasi ay sameeyeen dhoolla-tus hawada ah oo ay ku xambaarsanaayeen astaamo la xiriira maalmaha xorriyadda iyo calanka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ka qeybgalka bandhigga uu muujinayo horumarka lagu sameeyay dib u dhiska awoodda ciidamada cirka, kuwaas oo sanadihii dambe dib loo tayeynayay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda, iyagoo daawanayay bandhigyada ay soo diyaariyeen ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa qeyb ka ahaa cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida, gaadiid ciidan iyo fardo, kuwaas oo socod ku maray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Xuska sanadkan ayaa ku soo aaday xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay sii waddo qorshayaasha lagu horumarinayo tayada ciidamada iyo qalabka ay isticmaalaan, iyadoo la xoojinayo awoodaha amniga iyo difaaca qaranka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

3 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

3 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

4 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.