• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo sheegay inuu doonaya in xiriirka Mareykanka lagu daro maalgashi

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo sheegay inuu doonaya in xiriirka Mareykanka lagu daro maalgashi
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dooneyso in xiriirka kala dhexeeya Mareykanka uu ka gudbo dhinaca amniga, isla markaana lagu ballaariyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, taas oo lagu xusayay sannad-guurada 250-aad ee kasoo wareegtay madax-bannaanida Mareykanka. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta raadineyso iskaashi cusub oo ku saleysan horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta fursadaha maalgashi.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in iskaashiga amniga uu weli muhiim u yahay labada dal, maadaama Soomaaliya ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana ay xoojinayso awoodda hay’adaha amniga qaranka. Hase yeeshee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in ajandaha labada dal uu ka ballaaran yahay dhinaca amniga oo keliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah, isagoo xusay in dalka uu leeyahay xeebta ugu dheer Afrika, kheyraad badeed, dhul beereed iyo suuq u baahan maalgelin iyo kaabayaal dhaqaale.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay waddo dib-u-habeyn dhinaca sharciyada iyo hay’adaha ah, si loo abuuro jawi ku habboon ganacsiga iyo soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah. Sida uu sheegay, isbeddelladaasi waxay qayb ka yihiin qorshaha lagu dhisayo dhaqaale awood u leh inuu tartan la galo dalalka gobolka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli Mareykanku uu weli ka mid yahay taageerayaasha ugu waaweyn ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo taageerada dhaqaalaha. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda doonaysa in iskaashiga labada dal lagu daro dhinacyo horumarineed oo horseedi kara fursado dhaqaale iyo maalgashi oo cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay muddo dheer siineysay Soomaaliya, isaga oo muujiyay rajada laga qabo in xiriirka labada dal uu yeesho wajiyo cusub oo ku saleysan iskaashi dhaqaale iyo horumar waara.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.