Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Guddiga Doorashooyinka oo dib u dhigay doorashooyinka Galmudug iyo Banaadir

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay jadwalkii doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyo sidoo kale doorashada guddoonada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 6, 2026, 12:31 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Guddiga Doorashooyinka oo dib u dhigay doorashooyinka Galmudug iyo Banaadir
Share

Wararka24: Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay jadwalkii doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyo sidoo kale doorashada guddoonada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aanka dib loogu dhigay doorashooyinka uu yimid kadib wada-tashi lala yeeshay ururrada siyaasadda, iyadoo la tixgeliyay codsiyo loo gudbiyay guddiga iyo baahida loo qabo in la dhammaystiro diyaar-garowga farsamo iyo maamulka doorashooyinka.

Guddigu wuxuu sheegay in doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Galmudug, oo markii hore loo qorsheeyay 20-ka Luulyo, hadda loo asteeyay 25-ka Luulyo 2026. Sida lagu sheegay bayaanka, waqtiga dheeraadka ah ayaa loogu talagalay in lagu dhammaystiro hawlaha la xiriira qabanqaabada doorashada iyo diyaarinta hannaan hufan oo loo maro geeddi-socodka codbixinta.

Sidoo kale, guddiga ayaa shaaciyay in dib u eegis lagu sameynayo jadwalka doorashada guddoonada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, kadib markii la qiimeeyay heerka diyaar-garowga iyo natiijooyinka ka soo baxay wada-tashiyada ay la yeesheen ururrada siyaasadeed.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in ururrada siyaasadda looga baahan yahay inay si degdeg ah u soo gudbiyaan liisaska musharraxiintooda, si loo dardargeliyo howlaha harsan ee la xiriira doorashooyinka.

Guddigu wuxuu sidoo kale ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay sii xoojiso tababarka iyo wacyigelinta xubnaha golayaasha deegaanka ee la dooranayo, si ay ugu diyaar garoobaan gudashada waajibaadka iyo masuuliyadaha horyaalla.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ugu dambeyn sheegay inuu ka go’an yahay qabashada doorashooyin xor ah, hufan oo waafaqsan shuruucda dalka, isagoo ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha inay sii wadaan wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.