• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Guddiga Doorashooyinka oo dib u dhigay doorashooyinka Galmudug iyo Banaadir

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Guddiga Doorashooyinka oo dib u dhigay doorashooyinka Galmudug iyo Banaadir
Share

Wararka24: Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay jadwalkii doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyo sidoo kale doorashada guddoonada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aanka dib loogu dhigay doorashooyinka uu yimid kadib wada-tashi lala yeeshay ururrada siyaasadda, iyadoo la tixgeliyay codsiyo loo gudbiyay guddiga iyo baahida loo qabo in la dhammaystiro diyaar-garowga farsamo iyo maamulka doorashooyinka.

Guddigu wuxuu sheegay in doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Galmudug, oo markii hore loo qorsheeyay 20-ka Luulyo, hadda loo asteeyay 25-ka Luulyo 2026. Sida lagu sheegay bayaanka, waqtiga dheeraadka ah ayaa loogu talagalay in lagu dhammaystiro hawlaha la xiriira qabanqaabada doorashada iyo diyaarinta hannaan hufan oo loo maro geeddi-socodka codbixinta.

Sidoo kale, guddiga ayaa shaaciyay in dib u eegis lagu sameynayo jadwalka doorashada guddoonada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, kadib markii la qiimeeyay heerka diyaar-garowga iyo natiijooyinka ka soo baxay wada-tashiyada ay la yeesheen ururrada siyaasadeed.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in ururrada siyaasadda looga baahan yahay inay si degdeg ah u soo gudbiyaan liisaska musharraxiintooda, si loo dardargeliyo howlaha harsan ee la xiriira doorashooyinka.

Guddigu wuxuu sidoo kale ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay sii xoojiso tababarka iyo wacyigelinta xubnaha golayaasha deegaanka ee la dooranayo, si ay ugu diyaar garoobaan gudashada waajibaadka iyo masuuliyadaha horyaalla.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ugu dambeyn sheegay inuu ka go’an yahay qabashada doorashooyin xor ah, hufan oo waafaqsan shuruucda dalka, isagoo ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha inay sii wadaan wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.