Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ammaanka Baydhaba oo la adkeeyay kahor caleemo-saarka Aadan Madoobe

Ammaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu wado inay martigeliso munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 6, 2026, 1:33 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Ammaanka Baydhaba oo la adkeeyay kahor caleemo-saarka Aadan Madoobe
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ammaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu wado inay martigeliso munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay gudaha magaalada iyo daafaheeda, waxaana la kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga si loo sugo habsami u socodka munaasabadda. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyo amni oo ballaaran laga dareemayo Baydhaba iyo deegaannada ku dhow.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaarado dagaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka ay ka qeyb qaadanayaan hawlaha amniga, iyadoo si joogto ah loola socdo xaaladda magaalada iyo hareeraheeda.

Tallaabooyinkan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallada looga hortagayo isku day kasta oo lagu carqaladeyn karo munaasabadda caleemo-saarka. Gobolka Baay ayaa kamid ah goobaha ay weli ka jiraan khataraha amni ee ka dhasha weerarrada Al-Shabaab iyo xiisadaha siyaasadeed ee gudaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Baydhaba si uu uga qeyb galo munaasabadda, waxaana horay halkaasi u gaaray wafdi hordhac ah oo ka socda dowladda federaalka.

Mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah ayaa sidoo kale ku sugan Baydhaba, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan xafladda caleemo-saarka. Magaalada ayaa maalmahan martigelineysay wufuud kala duwan oo u socda ka qeybgalka munaasabadda.

Waxaa kamid ah mas’uuliyiinta Baydhaba gaaray qaar ka tirsan madaxda dowlad-goboleedyada, xubno ka socda baarlamaanka federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo kulamo la yeeshay madaxda cusub ee Koonfur Galbeed.

Xafladda caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa la filayaa inay noqoto mid si weyn loo soo agaasimay, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay in la qaaday dhammaan tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo soo dhaweynta martida ka qeybgaleysa munaasabadda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

3 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.