Wararka24: Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa maanta gurmad iyo adeegyo taageero ah u fidisay ku dhowaad 130 muwaadin Soomaaliyeed oo laga soo celiyey dalka Liibiya, kuwaas oo muddo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalkaas.
Muwaadiniintan oo isugu jira dhallinyaro iyo waayeel ayaa dib loogu soo celiyey Soomaaliya iyadoo dadaalladaasi ay qeyb ka yihiin qorshayaasha lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan waddamada ay u tahriibaan.
Markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa si toos ah loo geeyey xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, halkaas oo loogu sameeyey diiwaangelin, soo dhoweyn iyo qiimeyn ku saabsan xaaladahooda guud.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, Liibaan Cabdi, ayaa sheegay in hay’addu diyaarisay adeegyo kala duwan oo lagu taageerayo dadka dib loogu soo celiyey dalka. Wuxuu tilmaamay in muwaadiniinta la siin doono daryeel ku habboon si ay dib ugu bilaabaan noloshooda.
Mas’uulka ayaa sheegay in dhammaan dadka la keenay loo sameyn doono baaritaanno caafimaad oo lacag la’aan ah si loo ogaado xaaladahooda caafimaad, loona siiyo adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin.
Sidoo kale, waxaa la qorsheeyey in muwaadiniintan lagu diiwaangeliyo Adeegga Aqoonsiga Qaranka ee NIRA, iyadoo hay’addu ka taageeri doonto sidii ay ula midoobi lahaayeen ehelladooda iyo qoysaskooda ku nool gudaha dalka.
Guddoomiyaha ayaa xusay in hay’addu sidoo kale ka shaqeyn doonto sidii muwaadiniintan loogu heli lahaa fursado shaqo, waxbarasho iyo adeegyo kale oo gacan ka geysan kara dib-u-dhiskooda nololeed iyo la qabsiga bulshada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii dambe kordhisay dadaallada lagu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalal kala duwan, gaar ahaan kuwa la kulma xaalado adag oo la xiriira tahriibka iyo xarigga.


























