Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo xalay shacabka Muqdisho kala qeyb galay dabaal-degga 1-da Luulyo + sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay 66-guurada ka soo wareegtay xorriyaddii gobollada Koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur ee dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 1, 2026, 4:11 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Xasan Sheekh oo xalay shacabka Muqdisho kala qeyb galay dabaal-degga 1-da Luulyo + sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay 66-guurada ka soo wareegtay xorriyaddii gobollada Koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur ee dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si kedis ah ula dabaal-degay shacabka ku dhaqan caasimadda, isaga oo booqday goobo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne faro badan.

Markii ay saacaddu ku beegneyd 12:00 habeenimo ayaa si rasmi ah loo taagay calanka Soomaaliya, iyadoo kooxda baandada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay tumayeen astaanta qaranka, waxaana munaasabadda hareeyay jawi dabaal-deg iyo xusuus qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalmaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ay xambaarsan yihiin qiime taariikhi ah oo ka tarjumaya halgankii loo soo maray xorriyadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu ammaan u jeediyay dadkii ka qeyb qaatay halgankii gobannimada iyo dhismaha qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka ay tahay masuuliyad saaran jiilasha maanta jira, isaga oo xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada iyo nabadda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in muuqaalka dadka habeenkii ku dabaaldegaya waddooyinka Muqdisho uu ka tarjumayo horumarka laga gaaray dhinaca amniga, isaga oo xusay in dowladdu sii wadayso dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale farriin u diray bulshada Somaliland, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada-hadallada iyo raadinta xalal lagu xallin karo tabashooyinka jira, si loo gaaro is-afgarad waara oo dhex mara dhinacyada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada, wadajirka iyo qiyamka qarannimada, isaga oo sheegay in jiilalka cusub ay masuul ka yihiin sii ambaqaadidda himiladii ay u soo halgameen aasaasayaashii qaranka Soomaaliyeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.