Wararka24: Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa caawa gacanta ku dhigay Hibo Xuseen Wardheere, oo loo haysto inay baraha bulshada ku baahisay muuqaallo lagu tilmaamay kuwo ka hor imanaya qiyamka bulshada iyo dhaqanka wanaagsan.
Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Hibo ay soo xireen ciidamada Booliska ee Saldhigga degmada Garasbaaley, isla markaana ay u socoto baaritaan la xiriira eedeymaha loo jeediyay.
“Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha Hibo Xuseen Wardheere, oo lagu eedeeyay inay barta TikTok ku baahisay muuqaallo lid ku ah dhaqanka suubban iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Booliska.
Taliska Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan hordhac ah uu ku socdo eedeysanaha, isla markaana marka la soo gabagabeeyo loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si go’aan sharci looga gaaro.
Booliska Gobolka Banaadir ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu xoojinayo ilaalinta anshaxa bulshada iyo la dagaallanka falalka ay ku tilmaameen kuwa ka hor imanaya diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada ammaanka ay kordhiyeen dadaallada lagu beegsanayo dadka lagu tuhmo inay ku lug leeyihiin faafinta waxyaabo loo arko kuwo dhaawacaya qiyamka bulshada.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa ugu baaqay bulshada inay si masuuliyad leh u adeegsadaan baraha bulshada, isla markaana ay ka fogaadaan baahinta waxyaabaha ka hor imanaya shuruucda dalka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.


















