Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dagaal u dhexeya DF iyo mucaaradka oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Warar laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu xalay ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Warsheekh, dagaalka aya u dhexeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamo taabacsan Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 7, 2026, 12:35 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dagaal u dhexeya DF iyo mucaaradka oo ka dhacay duleedka Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warar laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu xalay ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Warsheekh, dagaalka aya u dhexeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamo taabacsan Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamo lala xiriirinayo Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ay ka dhaqaaqeen degmada Gubadley ee gobolka Banaadir, iyagoo ku sii jeeday deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadaasi ay wateen gaadiid dagaal.

Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, ciidamada Dowladda Federaalka ee ka hawlgala koonfurta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la socday dhaqdhaqaaqaasi. Waxaa la sheegay in ciidamadu xoojiyeen amniga waddooyinka mara deegaannada Ceel-Bashaqle iyo Qorilow oo hoostaga degmada Warsheekh.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska horyimaadka uu ka dhacay aagga Ceel-Bashaqle kadib markii ciidamada socdaalka ahaa ay la kulmeen ciidamo ku sugnaa waddada. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.

Sidoo kale, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya halka ay ku dambeeyeen ciidamada iyo gaadiidka lagu sheegay inay ku lug lahaayeen dhacdada. Qaar ka mid ah xogaha aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada ay gaaren deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka, halka warar kale ay tilmaamayaan in gaadiid lagu qabtay howlgalka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdada. Dowladda Federaalka ayaa dhinaceeda sii wada howlgallada lagu ururinayo hubka sharci darrada ah ee laga fulinayo qaybo kamid ah Muqdisho.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka. Dadaallo lagu doonayo in wada hadal lagu xalliyo murannada jira ayaa weli socda, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay soo bandhigayaan aragtiyo kala duwan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.