• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya oo qorsheynaysa inay koronto qiima jaban ka soo dhoofsato Itoobiya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo qorsheynaysa inay koronto qiima jaban ka soo dhoofsato Itoobiya
Share

Wararka24: Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe cusub oo lagu soo dhoofsanayo koronto laga keenayo dalka Itoobiya, iyadoo dowladda ay sheegtay in mashruucan uu si weyn hoos ugu dhigi doono qiimaha korontada ee gudaha dalka.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in dowladda ay rajo wanaagsan ka qabto in Soomaaliya ay hesho koronto qiimaheedu yahay halkii kilowatt 5 cent oo dollar ah, taas oo aad uga hooseysa qiimaha hadda laga bixiyo magaalooyinka dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in korontada laga keenayo Itoobiya ay soo mari doonto saddex magaalo oo muhiim ah oo ku yaalla xuduudaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Doolow, Wajaale iyo Goldogob. Wuxuu sidoo kale sheegay in laba kamid ah goobaha mashruuca ay horey u dhammaadeen, islamarkaana uu socdo diyaar garowga wajiyada kale ee mashruuca.

Mashruucan waxaa taageeraya World Bank, oo horay u sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay waddamada ugu qaalisan dhanka korontada ee qaaradda Afrika, iyadoo magaalooyinka qaar laga bixiyo inta u dhaxeysa 60 illaa 100 cent halkii kilowatt.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa hadda soo saarta in ka badan 6,000 megawatt oo koronto ah, taas oo inta badan laga dhaliyo mashaariicda biyaha, gaar ahaan mashruuca weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam.

Mashruuca isku xirka korontada ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo ay waddamada Geeska Afrika ku doonayaan inay ku xoojiyaan iskaashiga tamarta iyo isku xirka dhaqaalaha gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa aaminsan in tallaabadan ay wax weyn ka tari doonto yareynta koronto la’aanta baahsan ee dalka, islamarkaana ay kor u qaadi doonto helitaanka tamar jaban oo ay ka faa’iideysan karaan shacabka iyo ganacsiyada gudaha.


Share

Recommended

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

2 months ago
Duqeyn ka dhacday  Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

3 months ago
Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

7 months ago
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

3 months ago
Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

12 months ago
Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

2 months ago
Faahfaahinta Dilka manta hargeysa Somaliland

Wararka24: Booliska Somaliland oo soo qabtay eedeysane loo haysto dil ka dhacay Manta Hargeysa? +Faah faahin dherad ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.