Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Saraakiil ciidan oo gaaray Baydhabo si loo adkeeyo amniga doorashada

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa kusii qulqulaya saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo loo diray inay ka qeyb qaataan sugidda amniga iyo diyaar garowga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 20, 2026, 5:51 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Saraakiil ciidan oo gaaray Baydhabo si loo adkeeyo amniga doorashada
Share

Wararka24: Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa kusii qulqulaya saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo loo diray inay ka qeyb qaataan sugidda amniga iyo diyaar garowga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed.

Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa maanta gaaray Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Kaaliyaha Taliska Ciidanka Dhulka, Janaraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo saraakiil kale oo ka tirsan qeybta 60-aad ee ciidanka.

Saraakiishan ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaataan xoojinta amniga magaalada, xilli Baydhabo ay marti-gelinayso doorashada guddoonka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay ay isugu jiraan qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Kumaandooska Gorgor iyo ciidamo Booliis ah, iyadoo sidoo kale la kordhiyay goobaha hubinta gaadiidka ee laga galo gudaha iyo bannaanka Baydhabo.

Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeyb galo kulamo looga hadlayo xaaladda amniga, xasilinta magaalada iyo qorshaha doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, maadaama uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee arrimahaasi.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magacowday taliyaha cusub ee guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, kadib markii weerar ay Al-Shabaab ka geysteen duleedka Baydhabo lagu dilay ku-simihii taliyaha qeybta 60-aad Gaashaanle Sare Yoonis Aadan iyo taliyihii guutada 8-aad Cali Caddow.

Magacaabista cusub iyo qulqulka saraakiisha ciidamada ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo si dhow isha loogu hayo.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.