• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Saraakiil ciidan oo gaaray Baydhabo si loo adkeeyo amniga doorashada

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Saraakiil ciidan oo gaaray Baydhabo si loo adkeeyo amniga doorashada
Share

Wararka24: Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa kusii qulqulaya saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo loo diray inay ka qeyb qaataan sugidda amniga iyo diyaar garowga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed.

Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa maanta gaaray Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Kaaliyaha Taliska Ciidanka Dhulka, Janaraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo saraakiil kale oo ka tirsan qeybta 60-aad ee ciidanka.

Saraakiishan ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaataan xoojinta amniga magaalada, xilli Baydhabo ay marti-gelinayso doorashada guddoonka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay ay isugu jiraan qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Kumaandooska Gorgor iyo ciidamo Booliis ah, iyadoo sidoo kale la kordhiyay goobaha hubinta gaadiidka ee laga galo gudaha iyo bannaanka Baydhabo.

Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeyb galo kulamo looga hadlayo xaaladda amniga, xasilinta magaalada iyo qorshaha doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, maadaama uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee arrimahaasi.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magacowday taliyaha cusub ee guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, kadib markii weerar ay Al-Shabaab ka geysteen duleedka Baydhabo lagu dilay ku-simihii taliyaha qeybta 60-aad Gaashaanle Sare Yoonis Aadan iyo taliyihii guutada 8-aad Cali Caddow.

Magacaabista cusub iyo qulqulka saraakiisha ciidamada ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo si dhow isha loogu hayo.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.