Wararka24: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in la hakiyay doorashada guddoonka iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo qorshuhu ahaa inay qabsoonto 18-ka May 2026.
Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in dib u dhigista doorashada ay la xiriirto dacwad loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku saabsan ansixinta natiijooyinka doorashada. Guddiga ayaa sheegay inay sugayaan go’aanka maxkamadda kahor inta aan la guda gelin marxaladaha xiga ee doorashada.
Qoraalka guddiga ayaa lagu caddeeyay in marka la helo jawaabta Maxkamadda Sare ay sii wadi doonaan howlaha doorashada, oo ay ku jiraan iclaaminta jadwalka dhaarinta xubnaha la doortay iyo doorashada guddoonka iyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale ku adkeystay inay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada, si loo xaqiijiyo kalsoonida lagu qabo natiijooyinka kasoo baxa doorashada maamulkaasi.
Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayay, maadaama ay ku tartamayaan xisbiyo iyo siyaasiyiin saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya. Waxaa kamid ah xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo uu sharaxan yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Hakinta doorashada ayaa kusoo aadeysa xilli Soomaaliya ay ka jiraan murano siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, muddo xileedyada hay’adaha dowladda iyo wax ka beddelka dastuurka dalka.


















