• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Eedeymo loo jeediyay dowladda oo ku saabsan caburinta warbaahinta

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Eedeymo loo jeediyay dowladda oo ku saabsan caburinta warbaahinta
Share

Wararka24: Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in qaar kamid ah warbaahinta madaxa-bannaan ee Soomaaliya ay cabashooyin u gudbiyeen safaaradaha reer Galbeedka ee Muqdisho, kadib markii ay sheegeen inay la kulmeen weerarro online ah oo lagu bartilmaameedsanayo wararkooda iyo akoonnadooda baraha bulshada.

Wararka ayaa tilmaamaya in shirkad lagu magacaabo CONVEY LLC, oo la sheegay inay ka shaqeyso arrimaha suuq-geynta islamarkaana xarun ku leedahay dalka Talyaaniga, ay sheegatay xuquuqda muuqaalada iyo wararka ay baahiyaan qaar kamid ah telefishinnada iyo idaacadaha madaxa-bannaan ee ka howlgala Soomaaliya.

Sida lagu sheegay eedeymaha la gudbiyay, tallaabooyinkan ayaa la rumeysan yahay in looga gol leeyahay in lagu yareeyo ama lagu xaddido wararka la xiriira mucaaradka iyo arrimaha siyaasadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dhaliilo.

Ururka haweenka warbaahinta Soomaaliya ee SOMWA ayaa isna qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu walaac xooggan ka qabo weerarro online ah oo sii kordhaya, kuwaas oo lagu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, xarumaha warbaahinta madaxa-bannaan iyo dadka caanka ku ah baraha bulshada.

SOMWA ayaa sheegtay in weerarradan ay kusoo aadayaan xilli warbaahinta madaxa bannaan ay horey ula kulmeysay cadaadisyo kala duwan oo ay kamid yihiin xarig, cabsi gelin iyo dhibaateyn joogto ah oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dacwooyin loo gudbiyay shirkadda Meta ay hoos u dhigeen saameynta shirkadda CONVEY LLC, kadib markii la isku dayay in xuquuq been abuur ah lagu sheegto muuqaallada iyo wararka lagu daabaco bogagga Facebook ee warbaahinta Soomaaliyeed.

Xarumaha warbaahineed ee la sheegay inay saameeyeen weerarradan online-ka ah waxaa kamid ah Universal TV, Shabelle TV iyo Dalsan TV, kuwaas oo la sheegay in qaar kamid ah waxyaabihii ay baahin jireen laga saaray ama la xaddiday.

Ilaa hadda dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin eedeymahan la xiriira weerarrada online-ka ah iyo sheegashada loo jeediyay shirkadda la magacaabay.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.