• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh Oo Sheegay In Xilkiisu Ku Eg Yahay May 2027

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh Oo Sheegay In Xilkiisu Ku Eg Yahay May 2027
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in muddo xileedka dowladda federaalka uu si rasmi ah ku eg yahay 15-ka May 2027, isaga oo xusay in arrintaasi waafaqsan tahay dastuurka cusub ee la dhaqan geliyay.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayaa madaxweynuhu ku sheegay in dastuurka cusub uu dhigayo in muddo xileedka dowladda iyo baarlamaanka uu noqdo shan sano, islamarkaana dowladda hadda jirta ay ku shaqeyn doonto nidaamkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isaga oo tilmaamay in dowladdu ay fulineyso ballanqaadyadii ay shacabka u samaysay, sida dhameystirka dastuurka, nidaamka xisbiyada badan iyo ka guurista doorashooyinka dadban.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyada dowlad dhiska, xiriirka caalamiga ah iyo dib u soo kabashada hay’adaha dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dib u habeynta bangiga dhexe.

Madaxweynaha ayaa dhaliilay siyaasiyiinta kasoo horjeeda nidaamka doorashada qof iyo codka, isaga oo sheegay in qaar kamid ah mucaaradka ay doonayaan in dalka lagu sii hayo nidaamkii hore ee 4.5 iyo doorashooyinka dadban.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay dhegeysato aragtiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta kale, balse uu ku adkeystay in dastuurka hadda la dhaqan geliyay uu yahay mid sharci ah oo dalka lagu maamulayo.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo isku mari la’ arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo muddo xileedka dowladda.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hore u sheegay in aysan sharci u aqoonsanayn sii joogitaanka dowladda hadda jirta, kadib markii aan heshiis laga gaarin shirarkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.