• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh Oo xarigga ka jaray Xarunta Cusub Ee Wasaaradda Dhallinyarada+sawiro

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 4 mins read
Xasan Sheekh Oo xarigga ka jaray Xarunta Cusub Ee Wasaaradda Dhallinyarada+sawiro
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, taas oo dowladda federaalka ku tilmaamtay tallaabo muhiim u ah horumarinta adeegyada dhallinyarada iyo taageerada ciyaaraha dalka.

Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, maamulka gobolka Banaadir, mas’uuliyiin kale oo dowladda ah, dhallinyaro iyo marti sharaf lagu casuumay munaasabaddaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaruntan cusub ay leedahay muhiimad gaar ah, maadaama lagu hirgeliyay awood iyo aqoon Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in dhismahan uu astaan u yahay dadaalka lagu doonayo in lagu kobciyo kaalinta dhallinyarada ee dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa bogaadiyay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, isaga oo ku ammaanay dadaallada ay ku bixisay hirgelinta xaruntan casriga ah. Wuxuu xusay in dowladda federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta mustaqbalka dalka.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ayuu madaxweynuhu sidoo kale kaga hadlay arrimaha amniga, dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah ee dowladda hadda waddo. Wuxuu sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso dhismaha hay’ado dowladeed oo ku shaqeeya nidaam sharci iyo isla xisaabtan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in dhammaan ajendeyaasha dowladda lagu saleeyn doono dastuurka dalka, si loo xaqiijiyo nidaam dowladeed oo ku dhisan sharciyad iyo matalaad dadweyne.

Furitaanka xaruntan cusub ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ay waddo qorshayaal la xiriira horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta ka qeybgalka dhallinyarada ee arrimaha dowladnimada iyo nabadeynta dalka.


    Share

    Recommended

    Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

    Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

    5 months ago
    Cabdikariin Cali Shaah

    Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

    12 months ago
    Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

    Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

    4 months ago
    Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

    Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

    7 months ago
    Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

    Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

    3 months ago
    Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

    Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

    1 year ago
    Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

    Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

    3 months ago
    ADVERTISEMENT
    Wararka24

    Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

    • About us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    • Privacy Policy
    • Editorial Policy

    © 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • Manta
    • Somalia
    • Caalamka
    • Afrika
    • Bulshada
    • Somali celebrity
    • Ciyaaraha
    • Contact Us

    © 2025 Wararka24. All Rights Reserved.