
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax culus uu maanta ka dhacay deegaanka Laba Garas, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab. Qaraxa ayaa la sheegay inuu sababay khasaare kala duwan oo soo gaaray kooxda diyaarinaysay dhimasho iyo dhawacba.
Ilo wareedyo xaqiijinaya dhacdada ayaa sheegaya in qaraxan oo jugtiisa si weyn looga maqlay aagga Laba Garas uu sababay dhimashada in ka badan shan dagaalame iyo dhaawaca tiro kale. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaraxu uu haleelay xubno ka tirsan Khawaarijinta oo diyaarinayay,
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda ee howlgallada ka wada Shabeelaha Dhexe. Laakiin, qaraxu wuxuu ku dhacay iyaga oo aan weerarkaas fulin.
Dowladda iyo dadka deegaanka oo iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah khawarijinta ayaa haatan sii xoojinaya howlgallada ka socda HirShabelle, iyadoo hawada ay ka taageerayaan diyaaradaha saaxiibada caalamiga ah.

Dhawaan, dhacdo la mid ah ayaa ka dhacday deegaanka Beera Yabaal ee gobolka Hiiraan, halkaas oo qarax ka dhex dhacay guri ay ku sugnaayeen xubno khawarijinta ah, waxaana halkaas ku dhinteen ilaa lix dagaalame.
Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale dhowaan fashiliyay weerarro kale oo ay qorsheynayeen Al-Shabaab, iyagoo burburiyay baabuur laga soo buuxiyay qaraxyo oo ay kooxdu u adeegsan rabeen falal argagixiso.
Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa haatan galay xaalad dagaal adag, iyadoo dagaalyahannada Al-Shabaab ay cadaadis xoog leh kala kulmayaan dowladda, maamulka HirShabelle, iyo dadka deegaanka oo isku duuban dagaalka ka dhanka ah kooxda.
Laba Garas waa mid kamid ah deegaannadii ay Al-Shabaab qabsadeen, balse hadda ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada kooxda. Dagaalka ka socda Shabeelaha Dhexe ayaa qeyb ka ah howlgalka ballaaran ee lagu doonayo in looga xoreeyo Khawaarajinta deegaannada ay weli ka joogaan dalka.
Illaa iyo hadda, Al-Shabaab wax hadal ah kama soo saarin qaraxan ka dhacay deegaanka Laba Garas ee Shabeelaha Dhexe.

Waxaa la filayaa in howlgallada socda ay sii xoogaystaan maalmaha soo socda, iyadoo dowladdu ay ku howlan tahay xoreynta deegaannada ay wali ku sugan yihiin kooxda khawaarijiinta..