• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DAAWO: Cabdullaahi Nuur oo ku biiray mucaaradka sheegayna sababta ay isku seegeen Madaxweynaha

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Cabdullaahi Nuur oo ku biiray mucaaradka sheegayna sababta ay isku seegeen Madaxweynaha
Share

Wararka24: Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo dhawaan iska casilay xilkii la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa caawa ku biiray shirka siyaasiyiinta mucaaradka uga socda magaalada Muqdisho, tallaabo muujineysa isbeddel siyaasadeed oo cusub.

Cabdullaahi ayaa ka mid noqday xubno siyaasiyiin ah oo ka baxay garabka Villa Soomaaliya kuna biiray mucaaradka, xilli dalka uu wajahayo xiisad siyaasadeed oo la xiriirta doorashooyinka iyo kala guurka siyaasadeed.

Wareysi kooban oo uu bixiyay kadib ka qeyb-galkiisa shirka, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku kala tageen qaabka loo wajahayo danaha guud ee dalka.

Wuxuu sheegay in xiriir saaxiibtinimo uu horey ula lahaa madaxweynaha, balse uu rumeysan yahay in danta guud ee shacabka iyo dalka ay ka muhiimsan tahay xiriir kasta oo shaqsiyeed, taasina ay sababtay kala aragti duwanaanshahooda.

Cabdullaahi ayaa ka gaabsaday inuu si cad u faahfaahiyo qodobada ugu waaweyn ee ay isku seegeen madaxweynaha, inkastoo ay jiraan warar siyaasadeed oo la xiriirinaya arrimaha doorashada Hirshabelle iyo saameynta dowladda federaalka ku leedahay maamulkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa sidoo kale mucaaradka kusoo biiray siyaasiyiin kale oo horey uga tirsanaa garabka dowladda, kuwaas oo sheegay inay ka biyo diideen jihada siyaasadeed ee hadda loo wado dalka.

Mucaaradka ayaa maalmahan waday shirar joogto ah oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed iyo qorshaha dibadbaxa weyn ee la filayo inuu ka dhaco Muqdisho 10-ka bishan, iyadoo ay weli taagan tahay rejo-xumo ku saabsan gogosha wada-hadal ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

DAAWO


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.