Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in mashruuca daabacaadda iyo hirgelinta lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga uu marayo marxalad gabagabo ah, kaddib sannado badan oo lagu diyaarinayay dhinacyada sharciyeynta, siyaasadda lacagta, qorsheynta farsamo iyo maalgelinta.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 29, 2026, 2:43 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in mashruuca daabacaadda iyo hirgelinta lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga uu marayo marxalad gabagabo ah, kaddib sannado badan oo lagu diyaarinayay dhinacyada sharciyeynta, siyaasadda lacagta, qorsheynta farsamo iyo maalgelinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay horumar la taaban karo ka gaartay dejinta siyaasadda lacagta, dib-u-eegista shuruucda Bangiga Dhexe, diyaarinta qorshayaasha farsamo iyo saadka, iyo sidoo kale raadinta dhaqaalaha lagu hirgelinayo mashruuca. Wuxuu xusay in qorshaha rasmiga ah ee fulinta la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo dhammaan diyaar-garowga.

Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Cali Yaasiin, ayaa sheegay in diyaarinta lacagta cusub ay socotay ku dhowaad siddeed sano. Wuxuu tilmaamay in hirgelinta lacagta cusub ee dalka oo dhan ay u baahan doonto in ka badan $70 milyan, si loogu daboolo kharashaadka daabacaadda lacagta, dib-u-furista laamaha Bangiga Dhexe, gaadiidka lagu qaybinayo lacagta iyo dhismaha nidaamyo amni oo lagu kaydiyo laguna qaybiyo.

Cali Yaasiin ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn aysan ahayn daabacaadda lacagta cusub, balse ay tahay sidii si ammaan ah loogu qaybin lahaa guud ahaan dalka, maadaama Soomaaliya ay muddo ku dhow soddon sano ka maqnayd shabakad Bangi Dhexe oo si buuxda u shaqeysa.‎‎

Dhankiisa, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay in bangigu muddo dheer ka shaqeynayay mashruucan, isagoo xusay in jadwalka rasmiga ah ee lagu soo saarayo lacagta cusub la shaacin doono marka la dhammaystiro shuruudaha farsamo iyo howlgal ee harsan.‎‎

Mas’uuliyiintan ayaa hadalladan ka jeediyay Shirweynaha Afraad ee Siyaasadda Dhaqaalaha ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxay sheegeen in mashruuca lacagta cusub looga gol leeyahay xoojinta nidaamka lacagta dalka, kor u qaadista xasilloonida maaliyadeed iyo dardargelinta casriyeynta hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya.‎‎

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ma shaacin taariikh rasmi ah oo la bilaabayo isticmaalka lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

53 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.