
Wararka24: Wararka ka imaanaya Shabeellaha Dhexe ayaa muujinaya in markii ugu horreysay gobolkaasi lagu arkay diyaarado drones ah oo nooca yaryar ee is-qarxiya ah, kuwaas oo loo adeegsanayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Howlgallo dhanka dhulka iyo cirka ah oo ka socda gobolka ayaa lagu beegsanayaa maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarro ka geystay deegaannadii horey looga saaray. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Isniintii la qaaday duqeymo culus oo ka dhacay duleedka iyo gudaha degmada Ceelbaraf.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee isqarxiya ayaa lagu arkay iyagoo dul heehaabaya bartilmaameedyada, kadibna ku qarxaya goobo ay joogaan xubno ka tirsan Al-Shabaab. Ilo wareedyo ayaa sheegay in dhowr ka mid ah diyaaradahaasi ay ku dhaceen goobaha ganacsiga ee Ceelbaraf ee Shabeellaha Dhexe , taasoo sababtay khasaare ay ka mid yihiin dukaamo iyo guryo gubtay.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Al-Shabaab ay 20-kii Febraayo bilaabeen weerarro ka dhan ah wejiga labaad ee howlgallada lagula dagaallamayo, iyagoo si fudud ula wareegay Ceelbaraf Shabeellaha Dhexe
Ka dibna waxa ay weerar ku qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Alkowsar, Ceel Cali Axmed, Daaru-Nimca, Cali Fooldheere iyo Miirtaqwa.
Si kastaba ha ahaatee, duqeymaha cirka ayaa si isdaba joog ah u beegsaday fariisimada Al-Shabaab, iyadoo duqeyntii ugu dambeysay ee shalay la sheegay inay saacado badan socotay. Sidoo kale, warar hoose ayaa tibaaxaya in maleeshiyo kale oo Al-Shabaab ah lagu beegsaday duqeyn ka dhacday meel u dhow degmada Aadan Yabaal iyo Alkowsar.
Hogaanka NISA iyo DF si rasmi ah uma caddeyn in ay haysato drones-kan cusub ee la rumeysan yahay in hadda loo adeegsanayo dagaalka ka socda gobollada Hirshabelle.
Weli lama xaqiijin cidda iska leh diyaaradaha yaryar ee is-qarxiya, hase yeeshee, waxaa la tuhunsan yahay in Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay qeyb ka tahay howlgallada, maadaama ay xiriir dhow la leedahay ciidanka Kumaandooska Gorgor, Danab iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wararka Ugu Aqrinta Badan
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Xog laheli aya lagu sheegi lataliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov inu ku tilmaamay kulanka mid, daacad ah, hase
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan u maleynayaa in Putin uu ku jiro xaalad dhimasho ah,” ayuu u sheegay barnaamijka maanta ee BBC Radio 4. “putin

















