• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Aadan Madoobe oo la kulmay odayaasha Koonfur Galbeed kadib xiisada oo kacsan

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 3 mins read
Aadan Madoobe oo la kulmay odayaasha Koonfur Galbeed kadib xiisada oo kacsan
Share

Wararka24: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed, iyadoo laga hadlay xaaladda kacsan ee ka taagan deegaanada maamulkaasi.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirro iyo xildhibaanno kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadda iyo dagaallada ka socda deegaanadaasi.

Odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyaha la wadaagay xaaladda dhabta ah ee jirta, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo helo xal lagu dejiyo xaaladda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay odayaasha doorkooda, wuxuuna ku booriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli guddoomiyaha horey looga hor istaagay safar uu ku tegi lahaa Baydhaba, kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu diiday in wafdi uu hoggaaminayay ay ka degaan garoonka magaaladaasi.

Xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa isku beddeshay gacan ka hadal, kadib dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan maamulkaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ay jiraan dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo muujinaya in khilaafku galay marxalad xasaasi ah.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.