• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo la geeyay dalka Eswatini

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo la geeyay dalka Eswatini
Share

Dowladda Eswatini, oo hore loogu yaqaanay Swaziland, ayaa Khamiistii xaqiijisay inay la wareegtay afar qof oo dheeraad ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka, kuwaas oo ay ku jiraan laba muwaadin oo Soomaali ah.

Mas’uuliyiinta Eswatini ayaa sheegay in afartan qof, oo sidoo kale ay ku jiraan hal qof oo u dhashay Suudaan iyo mid u dhashay Tansaaniya, dalkaas la geeyay 11-ka Maarso, isla markaana lagu hayo xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Matsapha Correctional Complex oo ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa xaqiijisay in dadka la geeyay ay qayb ka yihiin heshiis dhexmaray Washington iyo dowladda Eswatini, kaas oo u oggolaanaya in dadka laga soo musaafuriyo Mareykanka lagu hayo ama lagu kala shaandheeyo dal saddexaad.

Tallaabadan ayaa tirada guud ee dadka Mareykanka laga soo tarxiilay ee la geeyay Eswatini ka dhigaysa ugu yaraan 19 qof, iyadoo dowladda dalkaas sheegtay in ay socdaan wada-hadallo lala yeelanayo dalalkii ay dadkaasi asal ahaan ka soo jeedeen.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo in 17-ka Maarso la joojiyo sharciga Badbaadada Kumeel-gaarka ah ee TPS ee Soomaalida ku nool Mareykanka, barnaamij muddo tobannaan sano ah u oggolaanayay inay si sharci ah dalkaas ugu noolaadaan ugana shaqeystaan.

Qiyaastii 1,082 Soomaali ah ayaa haysta sharcigan, halka in ka badan 1,300 kale ay codsiyadoodu wali la sugayo, sida ay muujinayaan diiwaannada dowladda Mareykanka. Qaar ka mid ah Soomaalida iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa dacwad u gudbiyay maxkamad federaal ah si ay uga hortagaan joojinta


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.