Wararka24: Wararka ayaa sheegaya in booliska Saldhigga Degmada Xamar Weyne ay gacanta ku dhigeen wariyaha, ka hor inta aan la geeyn Saldhigga Afar Irdood. Weriye Cali Aadan Muumin, oo ka mid ah suxufiyiinta si weyn looga yaqaan caasimadda Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in wariyaha loo haysto eedeymo la xiriira amni-darro iyo hadalo aflagaado ah oo uu mas’uuliyiinta DF Ku aflagaadeeyey.
“Waxaa la horgayn doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soobaxay booliska, iyagoo sidoo kale shacabka uga digay in ay qeyb ka noqdaan faafinta warar aan la xaqiiq ahayn oo wax u dhimi kara amniga dalka iyo dadka..
Cali Aadan Muumin, oo horey uga shaqeyn jiray warbaahinta madax-bannaan ee Muqdisho,
Ayaa sanadihii dambe si joogto ah u daabici jiray xog ku saabsan arrimaha amniga, gaar ahaan boggiisa Facebook.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in xarigiisa uu salka ku hayo qoraallo uu dhowaan baahiyay, kuwaasoo uu ku sheegayay in magaalada Jowhar ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab. Ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in laga dalbaday inuu qoraalkiisa dib uga saaro bartiisa, balse uu ku adkeystay in xogtiisu tahay mid sax ah oo ka soo baxay ilo lagu kalsoon yahay.
Xaaladda amni ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maalmahan kacsaneyd, iyada oo Al-Shabaab ay xoojisay weerarada ka dhanka ah howlgalka ay ciidamada dowladda kula dagaalamayaan kooxdaasi..


Wararka Ugu aqrinta badan
Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga…
Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

ShareWararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay howlgal ku soo furteen markabka shidaalka ee SIBU 1, kaas oo kooxo burcad-badeed ah ay afduub ku haysteen xeebaha Puntland, iyadoo maamulka uu…
Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

ShareWararka24: Hay’adda International Crisis Group ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajihi karto dib-u-dhac amni, iyadoo Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay dib ula wareegto qaar ka mid ah deegaannada ay…










