• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, October 13, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowlad Goboleedka Galmudug oo gurmad ciidan udirtay Hirshabelle, Goaanka cajiibka eh ee Madaxweyne Qoor Qoor..

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dowlad Goboleedka Galmudug
Share

Dowlad Goboleedka Galmudug
Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug ee soo gaaray Hirshabelle

Wararka24: Dowlad Goboleedka Galmudug oo Ciidamo Gurmad ah u Dirtay Hirshabelle si Looga Caawiyo Dagaalka ka Dhanka ah Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa loo diray deegaanada Hirshabelle si ay u garab istaagaan howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab.

Ciidamadan oo boqolaal ah, kuna hubeysan gaadiid dagaal, ayaa Axaddii ka gudbay xuduudda Gobolka Galgaduud, iyagoo maray Degmooyinka Maxaas iyo Moqokori ee Gobolka Hiiraan. Masuuliyiinta degmooyinkan, siyaasiyiin iyo shacabka deegaanka ayaa si diirran u soo dhaweeyay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku wajahan yihiin furimaha hore ee dagaalka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo qeyb ka ah dadaallada looga xoreynayo Al-Shabaab.

Ciidamada la diray waxaa ka mid ah Guutada Gargaar ee Daraawiishta Galmudug iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada, waxaana hoggaaminaya Gaashaanle Maxamed Cabdullaahi Xaashi (Xidig) iyo Dhamme Calinuur Xasan Tahliil.

Sidoo kale, koox kale oo ka tirsan Guutada Gargaar ayaa ka dhaqaaqay Degmada Wisil ee koonfurta Gobolka Mudug, iyagoo halkaas kula kulmay cutubyo kale oo ka yimid Madaxtooyada Dhuusamareeb.

Gaashaanle Xidig oo la hadlay Warbaahinta xilli uu ku sugnaa Moqokori ayaa xaqiijiyay in ujeedkooda yahay inay garab siiyaan ciidamada Hirshabelle iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

“Ciidamada Dowladda Federaalka iyo shacabka deegaanka dagaalka ayay kula jiraan cadowga, mana dooneyno inaan iska daawano. Galmudug waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggan,” ayuu yiri Xidig.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Dhagaweyne oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa soo dhoweeyay tallaabada Galmudug ay qaaday, isaga oo sheegay in ay furayso albaab cusub oo muujinaya in shacabka Soomaaliyeed ay is garab taagan yihiin.

“Ma jirto cid naga cadow ah oo aan ka ahayn Al-Shabaab. Iskaashiga ceynkan ah wuxuu wax badan ka tari doonaa dagaalka socda,” ayuu yiri Xildhibaan Dhagaweyne xilli uu ka hadlayay kulan lagu soo dhaweynayay ciidamada.

Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Dagaalkii iyo Xaaladda Shabeellaha Dhexe

Dowlad Goboleedka Galmudug
Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug ee soo gaaray Hirshabelle
Dowlad Goboleedka Galmudug
Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug ee soo gaaray Hirshabelle

Hawlgalada Hirshabelle ayaa la kulmay caqabado, gaar ahaan kadib markii Al-Shabaab ay Khamiistii weeraro ballaaran ku qaadeen deegaano dhowr ah oo laga saaray. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa la wareegay Degmada Ceelbaraf iyo tuulooyin kale oo ku dhow Mahadaay, inkastoo dagaalka kadib qaar ka mid ah goobahaas dib loogala wareegay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa Axaddii gaaray furimaha dagaalka si loo xoojiyo qorshaha dib-u-xoreynta.

Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka socda wejiga labaad ee howlgallada looga saarayo Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ay doonayaan inay sii wadaan cadaadiska militari si loo xaqiijiyo amniga.

Saraakiisha ayaa xusay in dagaalku uu u socdo si labo geesood ah – hal dhinac oo lagu beegsanayo Al-Shabaab, halka dhinaca kalena lagu hubinayo in amniga deegaanada la xoreeyay uu noqdo mid sugan.


Share
Tags: Dowlad Goboleedka GalmudugGobalada dhexewararka mantawararka somalia
Previous Post

Markabka Turkiga ee Shidaalka Ka Baarayay Xeebaha Soomaaliya oo caqabad hor istaagtay.

Next Post

Axmed Fiqi, oo kahadlay kalmadi uu marekanka ka gostay somalia, iyo dhibatada kadhalan karto?

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
Axmed Fiqi

Axmed Fiqi, oo kahadlay kalmadi uu marekanka ka gostay somalia, iyo dhibatada kadhalan karto?

Dorashooyinka qof iyo cod Waa Lagu Qaban Doonaa Puntland iyo Jubbaland , DF Aya ku dhawaqday + qorshaha iyo qabkay udhici donta..

Dorashooyinka qof iyo cod Waa Lagu Qaban Doonaa Puntland iyo Jubbaland , DF Aya ku dhawaqday + qorshaha iyo qabkay udhici donta..

kenya iyo ethopia

Xiisad kadhalatay xaduuda kenya iyo ethopia, 22 qof oo kenyan ah ayaa la la'yahay?

Recommended

Xamze Cabdi

RW Xamze Cabdi Kooxda AS waxay ku laabteen meelo badan oo horay looga saaray ka dib?

3 months ago
NISA

Taliyaha NISA oo Moqokori Kula Kulmay Saraakiisha Ciidanka

5 months ago
Dalmar Cadow

DAAWO, Waxan ahay MUSHARAX! Dalmar Cadow Gudomiyaha Naafada degmada Dharkeynley?

5 months ago
Mareykanka iyo Ciraaq ku guuleysteen dilka

Mareykanka iyo Ciraaq ku guuleysteen dilka Masuul Sare oo ka Tirsan Daacish + Magaciisa?

7 months ago
Beledxaawo

Beledxaawo: Dagaal cusub oo maanta ka qarxay xerada UK

3 months ago
Df Somaia

Maxay DF ka-tiri Bayaanki kasoo baxay shirki Mucaaradka

4 months ago
Gobolka Banaadir

Gobolka Banaadir Muddo Kordhin Lagu Sameeyay is Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

5 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.